Cumar bin khadaab RC ayaa ku yidhi Ubayya bin Kacab : Ubayow waa maxay taqwo?
Ubayye wuxuu yidhi: Omarow weligaa ma martay dariiq qodxaan badani daadsan tahay?
Cumar ayaa yidhi: haa ! Ubbayya ayaa yidhi : oo sidee yeeshaa ama u socotaa markaad dariiqaas marayso?
Cumar wuxuu yidhi: guntigaan gaabsadaa oo maradaan urursadaa, oo waxaan aad u hubiyaa halkaan dhigayo lugtayda anigoo qodoxda ka ilaalinaya, adimadaydana midna kor baan u qaadaa midna aayar ayaan u dhigaa anigoo ka cabsanaya qodaxda !
Ubayya wuxuu yidhi: haa waa sidaas taqwadu waa in guntiga loo gaabsado daacada Alle lana eego xalaasha iyo xaaraanta oo la iska hubiyo, la sameeyo xalaal miirad la iska ilaaliyo siibasho iyo sinbiriirixasho, lagana cabasado Alle swt.
Hadaba taqwo waa aasaaska diinta, iyada ayaa lagu gaadhaa derejooyinka yaqiinta, waa zaadka quluubta & ruuxda taqwadu waxay quud u tahay quluubta iyo ruuxda, waana dariiqa nabad gelyada.
Wuxuu yidhi Dallaq bin Xabiib: hadii ay dhacdo fitno ku damiya taqwad ! markaasaa la yidhi oo waa maxay taqwo? Wuxuu yidhi: taqwo waa inaad ku shaqaysaa daacada Alle adigoo ku dul socda nuurkiisa, rajeenayana abaal marinta Alle, taqwo waa inaad ka fogaataa wixii macaasi ah adigoo ku dulsocda nuurka Alle, adigoo ka cabsanaya ciqaabkiisa, waa hadalka ugu wanaagsan ee lagu fasiray taqwada.
Taqwada xaaladeheeda,
Waa in qofku iska ilaaliyo shirkiga. Waa in qofku iska ilaaliyo bidcada, waa in qofku iska ilaaliyo macaasida sidaas ayaa taqwo ah,
Salafkii iyo taqwada.
Abuu bakar markii uu khaliifada qabtay wuxuu qudbadiisa had iyo goor odhan jiray (waxaan idiin dardaamayaa taqwada Alle).
Markii uu geeriyoonayeyna wuxuu la dardaarmay Cumar bin khadaab oo wuxuu ku yidhi: Cumarow Alle ka cabso.
Cumar ayaa warqad u qoray inankiisii oo yidhi: inankaygiiyow Illaahay ka cabso.
Ali bin abii daalibna dadka uu u diro shaqooyinka maamulkiisa ama khaliifadiisa wuxuu odhan jiray markuu dirayo: Illaahay kaga cabsada shaqadaas.
Cumar bin cabdicaziisna wuxuu qoray warqad “waxaan ku farayaa cabsashada Alle waa shayga aanu Illaahay aqbalin iyada mooyee taqwada mooyee, Alle uma naxariisto cidii u wehel ah taqwo mooyee, waxaanu ku abaal mariyaa dadka wanaagsan taqwada, wuxuu ku soo khatimay in badan waa la isku dardaarmaa taqwada laakiin in yar ayuunbaa lagu camal falaa taqwada.
Nin ayaa u yimi nin wanaagsanaa oo la odhan jiray Yuunis bin cubayd oo ku yidhi: yuunusow ila dardaaran wuxuuna yidhi: waxaan kugula dardaarmayaa taqwada Alle waayo Alle ka cabsigu waa zaadka ugu fiican ee loo qaato aakhiro iyo adduunkaba, khayr oo dhan ka dhigo dariiqaaga, shar oo dhana ka dhigo waxaad ka cararayso, Illaahay ayaa u balan qaaday cidii Alle ka cabsata in uu ka nabad geliyo cadaabkiisa, kana risaaqo meel qofku aanu ka filanayn.
Ninkii aadka u wacdiga badnaa ee la odhan jiray As sammaak wuxuu warqad u qoray wacdi ah nin walaalkii ah waxaanu yidhi: waxaan kuu dardaarmayaa………………..
Hussein Jama Guudcade
Diintuwaanasteexo1@gmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment