
Hoggaamiyaha Zimbabwe Rober Mugabe waxa uu gaashaanka ku dhuftay inuu waddankiisa u ogolaado Bob Marley oo sannadkii 1980kii doonayey inuu bandhig faneed ka sameeyo maalinta xornimada waddankaas, in kasta oo aanu iska hor istaagin inuu bandhigga ka sameeyo, haseyeeshee waxa uu carrabka ku dhuftay inuu ka jeclaan lahaa heesaaga caanka ah ee Cliff Richard.
Colonel Gaddafi: Lionel Richie
Hoggaamiyaha Liibiya waxa uu muujiyey xiisaha uu u qabo masraxadda iyo heesaha fannaanka caanka ah ee Lionel Richie oo sannadkii 2006 munaasibadda nabadda lagu taageerayo ku qabtay waddankaas, taas oo lagu xusayay sannad-guuradii 20aad ee ka soo wareegtay weerarkii uu Maraykanku ku qaaday magaalo-madaxda waddankaas ee Tripoli halkaas oo dadkii ku dhintay ay ka mid ahayd Hanna oo ahayd gabadh uu dhalay Qaddaafi. Dhinaca kale, Richie ayaa sheegay inuu masrax-ciyaareed ka samaynayey waddanka Ciraaq habeenkii ay taangiyada Maraykanku weerareem magaalada Baqdaad.
Slobodan Milosevic: Frank Sinatra
Madaxweynihii hore ee waddankii la isku odhan jiray Yugoslavia oo dhintay isaga oo xabsiga ugu jira dacwad ka dhan dambiyo xuquuqda bani’aadamka oo loo haystay, waxaana la sheegay inuu dhagaysan jiray heesaga fannaanka Frank Sinatra inta uu xabsiga ku jiray. Waxa kale oo la sheegaa inuu heesaha fannaankan dhagaysan jiray isaga oo shaqaale bangi ka ah magaalada New York sannaddadii todobaataneeyihii.
Kim Jong-il: Eric Clapton
Fannaanka Clapton ayaa noqday heesagii ugu horreeyey ee reer Galbeed ah oo fursad u helay inuu heesihiisa ka qaado masraxyada waddanka Woqooyiga Kuuriya ka dib markii uu dalbaday hoggaamiyaha waddankan Kim Jong-il sannadkii hore. Arrintan xiisaha fannaankan ayaa la sheegaya inuu ka dambeeyey wiil uu dhalay madaxweynahaasi oo waddanka Switzerland waxbarashadiisa ku qaatay.
Mahmoud Ahmadinejad: Chris de Burgh
Fannaaka Chris de Burgh oo u dhashay waddanka Ireland ayaa xagaagii hore loo ogolaaday inuu bandhig-faneed ka sameeyo waddanka Iran, haseyeeshee waxa bandhig-faneedkiisaas la baajiyey ka dib markii ay rabshadu ka dhaceen doorashadii waddankaas ka dhacday. Dhanka kale, heesaagan ayaa noqday kii ugu horeeyey ee reer galbeed ah ee bandhig-faneed ka sameeya waddankaas ilaa 1979kii wakhtigaas oo kacaanka Islaamiga ahi ka hirgalay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment