Thursday, July 24, 2014

Haween Soomaaliyeed Oo Maraykanka Loogu Xidhay Xidhiidh ay La Leeyihiin Al-shabaab

Washington:July,24,2014(Himilo)-Xukuumadda Waddanka Maraykanka ayaa Xabsiga u taxaabtay Haween Soomaaliyeed oo Tiradoodu laba tahay, kuwaas oo lagu eedeeyey inay Lacago Siin jireen Kooxaha Al-shabaab.

sheoHaweenka oo gaadhaya illaa 5, ayaa Laba kamid ah waxaa lagu xidhay Shalay dalka Mareykanka, halka mida saddexaadna lagu xidhay dalka Holland, iyadoo ay jiraan Laba kale oo lagu raadjoogo.

 

Muno Cismaan Jaamac, oo 34 Sano Jir ah waxaa lagu xidhay Gobolka Virginia & Hinda Cismaan Dhiirane oo 44 Sano jir ah oo lagu xidhay Washington Maalintii Shalay. Waxaa Gabadha 3-aad lagu magacaabo Farxiya Xasan lagu xidhay dalka Holland.

Laba kale, oo Haween ah ayaa Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka waxa ay sheegeen inay kala yihiin Farsowsa Jaamac Maxa'ed & Badhiidha Xasan Cabdullahi kuwaasi oo u baxsaday dalalka Kenya & Soomaaliya.

Shanta Haweenka ah ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay Lacag u arurinayeen Kooxda Al shabaab oo ay ku taageereyeen Dagaalka ay kawadaan dalka Soomaaliya, iyagoo iska dhigaya inay ku caawinayaan Caruur Ogoomo ah & Dad kaloo Masaakiin ah.

 

Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka waxay sheegtay in Eedeynaysiyaashan ay wajahayaan 15 Sano oo Xabsi ah, haddii ay ku cadaadato Denbiga loo haysto ee ah inay taageerayeen Koox Argagaxiso ah.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment