Madaxweynaha waddanka Mali Ibrahim Boubakar Keita, waxa uu sheegay in meelo ku yaala saxaaradaha dalkiisa laga helay qaybo ka mid ah burburka diyaaradda oo kacday magaalada Ouagadougou ee caasimadda waddanka Galbeedka Afrika ku yaala ee Burkina Faso, kuna sii jeedday magaalada Algiers ee caasimadda Algeria , waxaanay noqonaysaa shilkii saddexaad ee todobaad gudihii ay burburaan diyaarad rakaab ah oo dad shacab ahi saaran yihiin.

“Wakhti dhow ayaa lay sheegay in burburka diyaaradda laga helay meel u dhaxaysa Aguelhoc iyo Kidal,” sidaa waxa yidhi madaxweyne Keita xilli uu ku gudo-jiray kulan uu la qaatay madaxda dhaqanka iyo Diinta ee dalka Mali, balse ma sheegin faahfaahin intaas dheer oo ku saabsan shilka diyaaradda.
Diyaaraddan ayaa markii ay muddo 50 daqiiqo ah hawada ku jirtay, ayaa laga mar kaliya laga waawey Adeegga la-socoshada Dhaq-dhaqaaqa diyaaradaha hawada ee gobolka Galbeedka Afrika, waxaanay saddex saacadood ka dib ku beegnayd inay fadhiisato garoonka diyaaradaha ee magaalada Algiers.
Rakaabka diyaaradda saarnaa ayaa la sheegay isugu jireen 51 u dhashay Faransiiska, 27 u dhashay Burkina Faso, 8 u dhashay Lubnaan, Lix u dhashay Algeria, Shan qof oo u dhashay dalka Canada iyo hal qof oo u dhashay dalka Ingiriiska. Muwaadiniinta Faransiiska ah ee ku dhintay shilkan waxa ku jiray qoys ka koobnaa 10 qof oo ku sii jeeday magaalada Algiers.
Shirkadda diyaaradaha Air Algries, ayaa sheegtay in jewi duufaanno wata oo ka dhacay saxaaraha u dhexeeya Mali iyo Algeria loo malaynayo inay tahay sababta shilka keentay.
Dhinaca kale, waxa wali socda baadhitaanno caalami ah oo laga bilaabay goobo ka tirsan Bariga dalka Ukraine oo ay ku dhacday diyaarad laga leeyahay Malaysia oo lagu soo riday gantaal Hawada lagu riday, taas oo sababtay dhimashada 298 qof oo saarnaa diyaaradda oo isaga dhex-gooshaysay waddamada Holland iyo Malaysia.
Ugu yaraan 763 qof, ayaa sannadkan oo kaliya ku geeriyooday 12 shilal-diyaaradeed oo ka dhacay meelo kala duwan ee qaaradaha Adduunka ka tirsan, taas oo 498 qof ka badan tirada ku dhimatay sannadkii hore ee 2013 oo ahayd 265 qof.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment