Hal-adayga iyo dhiirranaantuna waxa ay ka mid yihiin furayaasha muhiimka u ah nolosha ee uu qofku waxyaabo badan kaga badbaadi karo, gaar ahaan xilligan aynu ku jirno oo ay dunida ku sii badnaanayso xaasidnimada, iyo is-duufsigu.

Saddexdaas arrimood ee laga dheeraanayo ayaa kala ah:
1. Naftaada oo aad dadka kale barbar dhigto: Dad badan ayey caado u tahay in markasta oo ay naftooda ka fikiraan ay barbar dhigaan naf kale, haddii ay tahay shaqada, saaxiibtinimada iyo nolosha caadiga ah intaba.
Mar kasta oo uu horumar iyo in uu naftiisa dhiso ka fikiro waxa uu xasuustaa cid uu is leeyahay waa ay kaa nolol fiican tahay. Laakiin waxa ay khubarada cilmi nafsigu sheegeen in ay taasi bilow u tahay burburka nolosha oo qofku uu aakhirka aamino in aanu gaadhi karin nolosha uu hiigsanayo.
Waxa waajib ah in uu qofku xasuusto in laba qof oo kastaa ay kala duwan yihiin, qof kastaana uu nooc gaar ah yahay, sidaa awgeed wanaagga uu qof gaadho iyo xumaanta soo waajahdaaba ay qofkaas uun ku gaar yihiin.
2. Dadka hadalkooda oo lagu gubto: Dad badan ayey dabeecad u tahay in ay cidhiidhi iyo cadho ay dhaqso isu madax maraan marka ay cidi naqdi kala hortimaaddo.
Waxa muhiim ah in marka uu naqdi qof kale kaaga yimaaddo in markaba aad nafta u sheegto in ay jirto gal-daloolo uu qofkani arkayo, lagana yaabo in uu keliya ujeedo in uu ku saxo ama ku qurxiyo, haddiise xataa xumaan ay ka tahay, naqdigiisa waxa aad u qaadataa dersi aad ku saxdo qalad aad leedahay oo haddii aan laguugu caayi lahayn abidkii sii socon lahaa.
Taladu waa in aanad dhibsan isla markaana iska dhego marin dhalleecaynta cid kale kaaga imanaysa, xataa haddii aanay kuula muuqan mid nasteex ah. haddii aad aragto in dhaliishaasi ay tahay mid aan jirin, ha isku mashquulin qofkan kugu sheegay oo u arag uun in uu yahay qof buka oo ka xun wanaagaaga, waxa aanad ku dadaashaa in dadka aan isaga ahayn aad si ficil ah oo dadban ugu muujiso in naqdigiisu aanu run ahayn, aakhirka dadku waxa ay diidi in ay tiisa rumaystaan.
3. Haddii aanad iska xakamayn saamaynta hadalka dadku ku yeelanayo fikirkaaga halis ayaad ku jirtaa: Waxa jira dad badan oo hadallada dadku ay si sahal ah saamayn ugu yeeshaan, taasina waa dariiqa ugu khatarta badan ee qofkaas aakhirka bohol dheer biyo ugu shubaya.
Dad badan ayaa af-tahan ah, xikmad badan, si aad u qurux badan doonistooda iyo fikirkooda kuu gelin kara, sidaa awgeed mar kasta oo aad cid fikir wadata dhegeysanayso, ku dadaal in aad marka hore naftaada xakamayn karto si aanay dhaqso qofkaas isaga daba-gelin.
Ugu yaraana naftaada ku tababar in mawduuca lagala hadlayo ay dhegeysato, kadibna inta ay dib isugu noqoto oo soo fikirto oo soo baadho ay dib ka qaadato fikirkaas ama iska diido, sidaa awgeed isla marka fikirka laguu soo bandhigo, iska jir in aad hore ka qaadato si aan caadifaddaada looga faa’iidaysan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment