Hargeysa (Himilo) Madaxweyne ku xigeenka somaliland ahna ku simaha madaxweynaha mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda dalka Sweden, oo uu hogaaminayo hogaaminayey guddoomiyaha jaaliyada Somaliland ee dalka Sweden.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af hayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa lagaga waramay ujeedada weftigan iyo kulankaasi sida uu u dhacayba waana kan war-saxaafadeedkaasi oo dhameystirani:-

“Waftigan ayaa madaxwayne ku xigeenka uga waramay hawlaha ay ka shaqeeyaan dalka Sweden ee ku saabsan wacyigalinta Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Sweden sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka dhinacyada badan leh ee xukuumada Jamhuuriyada Somaliland ka wado dalka, waxa kale oo intaasi ku daray in ay mar walba ku dadaalan masuuliyiinta dalka sweden inay xogo-dheeraad ah ka siiyaan xaalada dalka, dad faro badan oo reer Sweden ah oo ay halkan ku soo casuumeena ay wax weyn kala qabteen sidii dawlada Sweden loo siin lahaa xogo-dheeraad ah oo ku saabsan qaranka Somaliland, waxa kale oo halkaasi ka hadlay xubnihii kale ee waftigaasi ka mid ka ahaa.
Madaxwayne ku xigeenka Jamuuriyada Somaliland Cabdirxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa waftiga soo dhaweeyay kuna bogaadiyay dadaaalkooda in ay halkaasi ka sii wadaan madaxwayne ku xigeenku waxa uu xusay in dadka reer Somaliland ee muwadiniintii meel kasta ha joogaane uu xil weyni ka saaran yahay in dalkooda dhismihiisa ay ka qayb qaataan kuna dadaalan sidii Jaaliyad walba wadanka ay la joogto ugaga warami lahayd dalkooda halka uu marayo iyo dadkooda waxay qabsadeen.
ugu danbayntii waftigani waxay sheegeen in ay hordhac u yihiin wafti culus oo dawlada Sweden ka tirsan oo bisha September iman doona dalka.
ALLAA MAHAD LEH Himilomedia.comHargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment