Diyaaradda ayaa dhacday xilli ay dabaylo xooggani ka dhacayeen gacanka u dhexeeya Jasiiradda Taiwan iyo dhul-weynaha Shiinaha xilli ay isaga dhex-gooshaysay caasimadda Taiwan iyo jasiirradda Penghu.

Ilaa 200 ciidamada Milatari, Dab-demis iyo boolis ayaa ka hawl-galay goobta shilka diyaaraddu ka dhacay, iyada oo dadka dhaawaca ah ay daad-gureeyeen diyaarado milatari oo hawl-galka ka qayb-qaatay.
“Diyaaraddu markii hore way fadhiisan kari wayday duufaanta Matmo oo dhacaysay awgeed, balse mar labaad ayuu duuliyuhu isku dayey inuu fadhiisiyo, laakiin nasiib-darro waxay markii labaad weydaaratay gegida,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Gaadiidka ee Taiwan.
Dadka ku dhintay shilka diyaaradeed ayaa la rumaysan yahay inay ku jiraan Duuliyihi diyaaradda iyo Kalkaaliyihisii, iyada oo dadka ku dhintay badankoodu u badnaayeen muwaadiniin u dhalatay dalka Shiinaha balse la xaqiijiyey inay ku jiraan laba qof oo u dhashay dalka Faransiiska oo midkood la xaqiijiyey inuu ka mid yahay dadka shilka ka badbaaday.
Shilkan diyaaradeed ayaa ku soo beegmaysa maalmo ka dib diyaarad ku dhacday Bariga dalka Ukraine oo sababtay geerida 298 qof, taas oo ka kacday garoon caasimadda Holland ee Copenhagen, kuna sii jeedday magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment