Sunday, July 27, 2014

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Masuulka hore uga tirsanaan jiray oo uga diga-rogtay Kooxda Khaatumo

“Khaatumo waa dad reer Somaliland ah, maaha dad meel kale ka yimi. Waxaan odhan lahaa, kaalaya xukuumadda iyo dawladdaba gacanta nala galiya” – Cali Sandulle

 

Hargeysa, 27 July, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadhay masuul hore uga tirsanaan jiray Golaha Wasiirrada oo la sheegay inuu ku biiray Kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo, kaas oo muddo dhowr bilood ah si cadho uga amba-baxay magaalada Hargeysa.

Wasiirul-dawlihii hore ee Nabadeynta Gobollada Bari ee Somaliland Keyse Cabdi Axmed oo madaxweyne Siilaanyo xilka wasaaraddaas ka dib markii ayiday gogol nabad-deed oo madaxweynuhu u fidiyey koox lagu magacaabi jiray SSC oo uu hoggaankeeda ka tirsanaa, ayaa ka hor intii aanu dib ugu noqon deegaanka uu u dhashay oo ka tirsan gobolka Sool, waxa uu xilka wasaaraddaas hayay muddo kooban, waxaanu muddoodyinkii u dambeeyey shirar la qaadanayey madax ka tirsan Kooxda Khaatumo ee uu ku biiray.

sanduleWasiirul-dawlaha Nabadeynta Gobollada Bari Cali Sandulle oo madaxweynuhu beddelkiisa u magacaabay, Md Cali Sandulle oo shalay ka hadlay ku-biirista Keyse ee Kooxda Khaatumo, ayaa sheegay in aanay saamayn Somaliland kaga iman karta go’aanka uu qaatay masuulka hore uga tirsanaan jiray xukuumadda Siilaanyo.

Cali Sandulle isaga oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Waxaan is-gelin wasiirkii joogay halkan iyo Khaatumuu u tagay taasaan jawaabteedu habboonayn. Waxay ila tahay, hadduu wax tarayo horena wuu u joogay, immika dibbuu u noqday wax macno ah oo ay samaynaysaa ma jirto. Isagay ceeb ku tahay in layidhaahdo isaga oo wasiir ah halkaasuu tagay.”

Sidoo kale, Wasiir Cali Sandulle waxa uu baaq u jeediyey kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Khaatumo waa dad reer Somaliland ah, maaha dad meel kale ka yimi. Waxaan odhan lahaa,kaalaya xukuumadda iyo dawladdaba gacanta nala galiya, dadkiiniina way ku jiraan, meel kale oo maanta aad tagaysaan ama talo kale u geynaysaan ma jirto, dad reer Somaliland ah baad tihiin, tabashadana waa la oggol yahay, tabashadoodana diyaar baanu u nahay inaanu xalinno, taasna waxaanu rejaynaynaa inaanu si dhakhso ah u soo gebo-gabayno. Waxaan leeyahay dadkiina iyo dalkiina u kaalaya oo aan wada-hagaajino,” ayuu yidhi Cali Maxamed (Cali Sandulle).

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment