Sunday, July 27, 2014

“Ma jirto Sabab u diidi Karta Faransiiska inuu Noqdo Dalka u horreeya ee Aqoonsada Somaliland marka la eego Fursadaha Wakhtigan Muuqda”

“Dekedda Berbera dhab ahaan waxay soo jiidatay dareenkayaga. Waa mashruuc sahli kara ganacsiga imanaya ama ka baxaya Somaliland,” -Dominique Lafont.

 

Hargeysa, 28 July, 2014 (Himilo)- Dawladda Faransiiska, ayaa la sheegay inay si xooggan u danaynayso inay saamayn siyaasadeed iyo ganacsi ku yeelato mandaqadda Geeska Afrika, marka laga reebo waddanka Jabuuti oo saldhig u ah boqolaal ka tirsan Ciidamada dalka Faransiiska oo hore u guumaysan jiray dalkaas.

rolandmarchal2aaaKhabiir u dhashay dalka Faransiiska oo ku xeel-dheer Siyaasadda Bariga Africa, ayaa iftiimiyey damac durugsan oo dawladda Faransiisku ku doonayso inay ku ballaadhiso ganacsigeeda iyo saamaynta dhinaca siyaasadda ay ku leedahay Bariga Afrika, iyada oo la ogyahay in Faransiisku yahay waddanka ugu badan dalalka Qaaradda Yurub ee xidhiidhka dhow la leh qaaradda Afrika.

Jariiradda Ethiopian Observer oo soo xiganaysa xog-waraysi kala duwan oo warbaabinta dalalka Faransiiska iyo Jarmalku ka qaadeen Khabiirkan iyo Madaxweynaha Shirkadda Ballore oo danaynaysa Maalgashi ay ku samayso dekedda Berbera ee Somaliladn, ayaa lagu sheegay inuu Faransiisku xiiso weyn oo ganacsi u qabo xidhiidh uu la sameeyo Somaliland.

Khabiirkan ku xeel-dheer arrimaha siyaasadda iyo Ganacsiga Bariga Afrika oo u dhashay dalka Faransiiska, waxa uu sheegay in dawladda Faransiisku noqon karto waddanka ugu horreya Midowga Yurub ee u badheedha Aqoonsiga Somaliland.

Madaxweynaha“Ma jirto Sabab u diidi Karta Faransiiska inuu Noqdo Dalkii u horreyey ee Aqoonsada Somaliland marka Dhinaca kasta la eego Fursadaha Wanaagsan ee wakhtigan muuqda,” Sidaa waxa uu Khabiirkan oo lagu magacaabo Roland Marchal ku sheegay Waraysi uu siiyey Majadda GEO oo laga leeyahay dalka Jarmalka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Shirkadda laga leeyahay dalka Faransiiska ee Ballore ee Somaliland kula gashay heshiis aan la dhammeystirin, ayaa isaguna ku dooday inay jiraan fursado dhinaca maalgashig ah oo Somaliland u horseedi kara Aqoonsi deg-deg ah oo ay ka hesho beesha caalamka, gaar ahaan dalka Faransiiska oo hirgelinta heshiiska shirkaddiisu ka mid tahay.

“Dekedda Berbera dhab ahaan waxay soo jiidatay dareenkayaga. Waa mashruuc sahli kara ganacsiga imanaya ama ka baxaya Somaliland,” sida waxa yidhi Dominique Lafont, Madaxweynaha shirkada Bollore Logistics oo u warramay jariiradda GEO.

Isaga oo hadalkiis sii watay, waxa uu intaas raaciyey, “Waxaan markaa wada xaajood la “Dekedda Berbera dhab ahaan waxay soo jiidatay dareenkayaga. Waa mashruuc sahli kara ganacsiga imanaya ama ka baxaya Somaliland,” sida waxa yidhi Dominique Lafont, Madaxweynaha shirkada Bollore Logistics oo u warramay jariiradda GEO bilownay xukuumada Somaliland sannado hortood. Inkastoo xilliyo kala duwan soo marnay, xilligan waxaan u dhownahay heshiiskii,” ayuu yidhi Mr. Lafonta

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo horaantii sannadkan wefti xukuumaddiisa ka tirsan u hoggaamiyey dalka Faransiiska, ayaa halkaas kulan kula qaatay madaxda sare ee Shirkadda Ballore oo danaynaysa maal-gashi ay ku samayso dekedda Berbera, waxaana halkaas lagu gaadhay heshiis hordhac ah oo dhammeystirkiisa loo xil-saaray inay ka shaqayso shirkad  dhinaca sharciga ah oo laga leeyahay dalka Ingiriiska oo baadhitaanno iyo daraasado ku samaynaysa heshiis shirkaddaasi maal-gashi ku samayso dekedda Berbera.

Shirkadda Ballore African Logistics, ayaa maal-gashatay isla markaana gacanta ku haysa maamulka dekedo badan oo ku yaala qaaradda Afrika.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment