Dimishiq ……Waxa markii u horeysay la xaqiijiyay aabe u dhashay dalka Saudi Arabia inuu dalka suuriya u tahriibiyay laba wiil oo da’yar oo uu dhalay si ay ugu biiraan dagaalyahanada sunniga ah ee ka dagaalama dalka suuriya ee magacooda loo yaqaan Daacish.
Wakaaladaha wararka dunida ayaa si aad ah u falanqaynayay dhacdadan waxaana la sheegay in aabuhu in muddo ahba ku hawlanaa sidii uu wiilashiisa yaryar ugu tahriibin lahaa dalka suuriya, si ay uga qayb qaataan dagaalka dalkaasi ee dawlada ka dhanka ah waxaana la sheegay inay muddo arrintaasi isku maandhaafsanaayeen haweenayda xaaskiisa ah ee wiilashaasi dhashay, waxaanay taasi keentay aakhirkii inuu si qarsoodi ah wiilashan yaryar ugu gudbiyo dalka suuriya isaga oo ka soo gudbay dhanka xadka turkigu la wadaago dalka suuriya.
Hooyada dhashay wiilashan ayaa ka hor intii aanay soo shaac bixin arrintan waxay bogeeda twiterka ku baahisay baafinta wiilasheeda oo ay sheegtay inay uga cabsi qabto in aabahood u kaxeeyay dalka suuriya waxaana muddo kadib soo shaac baxay sawirada wiilashan yaryar oo lagu soo sawiray iyaga oo sita qoryaha dagaalka isla markaana uu dabo yaalo calanka madaw ee tawxiidku ku xardhan yahay ee astaanta u ah dagaalyahanada ururka Daacish.
Safiirka u fadhiya dalka sacuudiga dalka turkiga ayaa waxa uu sheegay in aabaha labada wiil dhalay uu dalka turkiga ku galay sifo dalxiis ah taasoo meesha ka saartay in marnaba looga shakiyo in aabuhu wiilashiisa yaryar u wado dalka suuriya, waxa kale oo safiirku sheegay inay dadaaal u gali doonaan sidii ay caruurtaasi yaryar u soo badbaadin lahaayeen.
Arrintan ayaa waxay abuurtay walaac xoogan oo soo food saartay waalidiinta gaar ahaana hooyooyinka oo ka cabsi qaba in caaruurta yar yar ee ay dhaleen loo gudbiyo dalka suuriya si ay ugu biiraan sunniyiinta Daacish oo dhawaan ku dhawaaqay dawlad islaami ah oo ka dhisan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
Himilomedi.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment