Monday, August 18, 2014

Calanka Kooxda Daacish(isis) Oo Lagu Arkay Kasoo Horjeedka Aqalka Cad ee Maraykanka Looga Arrimiyo

Washington:Aug,18,2014(Himilo)-Sawir lagu qaaday Mobilka Gacanta  Oo Muujinaya Calanka Kooxda Daacish eek a dagaallanta Dalka Ciraaq ayaa lagu arkay Goob kasoo horjeedda Aqalka cad ee Dalka Maraykanka looga Taliyo.

runeHey’adaha Sirdoonka ayaa sheegay inay ka war qabeen sawir ka soo muuqday ka soo hor-jeedka Aqalka Cad ee Mareykanka, kaasoo ahaa calanka kooxda ISIS iyo kooxaha jihaadistayaasha.

Sawir Mobil-lada kuwa casriga oo uu qof gacanta ku hayay ayaa ka soo muuqday ka soo horjeedka Aqalka Cad, iyadoo sawirka mobilka uu ahaa Calanka ISIS oo ay qeybta hoose kaga qorneyd Khaliifada Islaamka.

Bar Internet oo uu lahaa ruux taageera ISIS ayaa la soo geliyay sawirkan oo uu ka dhex muuqday aqalka cad, waxaana loo qaaday si cajiib ah.

Sawir kale oo lagu qoray afka Carabiga ayaa lagu yidhi “Askarta dowladda islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya sida ugu dhaqsiyaha badan ayay halkan uga tallaabi doonaan”

 

Sawirka oo ahaa mid Mobile ku jiray ayaa si cajiib ah loo qaaday, iyadoo daaqad yar ka muuqatay dhismaha Aqalka Cad

“Xarumihiina ayaan joognaa, magaaladiina ayaan joognaa, wadooyinka ayaan joognaa”ayaa lagu yidhi qoraalka lagu qoray bar Twitter

7-dii bishan ayay aheyd markii Madaxweynaha Mareykanka uu ku dhawaaqay weeraro cirka ah oo ka dhan ah Kooxda Daacish ee Waqooyiga Ciraaq, kadib markii kooxda ay la wareegtay dhulal badan oo ku yaal Suuriya iyo Ciraaq

ISIS ayaa hore ugu hanjabtay inay weerari doonto dalalka reer galbeedka, ayna rajeynayaan mustaqbalka in Calanka Alle ay ka taagaan Aqalk Cad.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment