Saax-dheer, 17 August, 2014 (Himilo)- Cali Khaliif Galaydh oo Khamiistii inna dhaaftay Shir muddo ka socday deegaanka Saax-dheer oo ka tirsan gobolka Sool loogu doortay Madaxweynaha Kooxda la baxday Khaatumo State oo sheega inay Somaliland ka go’aayaan, ayaa Sabtidii shalay si rasmi ah u shaaciyey inuu is-casilay.

Cali Khaliif Galaydh, ayaa ka tirsanaa Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka hor intaan loo dooran Madaxweynaha Maamulka Khaatumo, hase-yeeshee, laba maalmood ka dib markii uu hayey xilka khamiistii loo doortay, ayuu shalay oo Sabti ahayd sheegay inuu iska casilay Xildhibaannimada Baarlamaanka Soomaaliya, maaddaama oo uu noqday Madaxweyne Maamul sida uu ku dooday.
Waxa uu Prof: Galaydh sheegay inaanay sharciyan bannaanayn inuu isagoo Xildhibaan ah hayo Xilka Madaxweynaha Maamulka Khaatumo, isla markaana si uu ugu madax-bannaanaado gudashada waajibaadka Madaxweyne-nimo ee loo doortay uu iska casilay xubinnimadii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Cali Khaliif Galaydh waxa uu ugu baaqay dawladda Federaalka Soomaaliya in ay si buuxda u aqoonsato Maamulka Khaatumo State ee uu Madaxweynaha ka noqday Khamiistii inna dhaaftay, isla markaana ay ka caawiso dhismaha iyo dhammaystirka Maamul, ulana shaqayso sida ay dawladdu Maamullada kale-ba ula shaqayso sida uu xusay.
Himilomedia.comHargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment