Friday, August 8, 2014

Carwadii 7-aad ee Bandhigga Buugaagta Oo Maanta Hargeysa Ka Furantay

Hargeysa:Aug,08,2014(Himilo)-Carwadii Toddobaad ee Bandhigga Buugaata Caalamiga ah oo sanadkiiba mar la qabto, ayaa maanta si rasmi ah uga furantay Magaalada Hargeysa.

uuCarwadan oo  ay bandhiggeeda abaabulaan Ururrada Red sea Online iyo Kayd Organization, isla-markaana ay maalgeliyaan  Ururro caalami ah oo ay ka mid tahay  EU-da iyo ururro kale oo caalami ahi, ayaa socon muddo Lix cisho ah, waxana ka soo qaybgalay Dadweyne Tiro badan oo iskugu jira Qoraayo, Abwaanno, Siyaasiyiin, ururada akhriska ee dalka iyo Shakhsiyaad ajaanib ah oo dhaqanka iyo qoraalka ku xeel-dheer.

99

Madasha oo ahayd Guriga Hay’adda Shaqaalaha waxa lagu soo bandihgay Buugaag aad u tiro badan oo ay qoreen shaqkhsiyaad dhallinyaro u badnaa dhallinyaro iyo waayeel, kuwaas oo lagu iibinyey Goobta, isla-markaana ay shacabku si weyn u iibsanayeen.

Buugaatan oo intooda badan afka somaliga ku qornaa, ayaa waxa  ay ka hadlayeen mawduucyo kala duwan  oo dhaqanka somalida, ka Hadlaya iyo kuwo ka hadlayey  suugaanta, qaar ka hadlayey horumarka Qoyska iyo waliba kuwo kale oo  iftiiminayey waxyaabo muhiim ah oo qofku naftiisa horumar ku gaadhsiin karo, iyadoo aanay ka madhnayn qaar male-awaalka nolosha ku saabsanaa.

10

Guddoomiyaha ururka Keyd Jaamac Muuse Jaamac oo isagu carwadan soo abaabulay oo halkaas ka hadlay, ayaa xusay inay horumar ballaadhan samaysay Barnaamijka carwada Buugaagtu, isla-markaana ay dhallintii iyo dadki kaleba ka faa’iidaysteen Buugaagtii iyo qoraalladii ay muddadaas toddobada sano ah bandhigoodda wadeen.

Waxa uu Jaamac muuse Sheegay in sidoo kale ay soo saareen Da’yar badan oo ku dhiirratay inay wax qoraan, kuwaas oo maanta buugaagtii ay soo daabaceen goobta yaalleen  oo diyaar u ahaayeen inay dadku iibsadaan si ay u iibsadaan.

Waxa Goobta ka hadlay wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo isagu si weyn u soo dhaweeyey hannaanka loo wado carwadan iyo waliba Buugaagta lagu soo bandhigay, waxana uu dalka kusoo dhaweeyey dhammaanba dadkii ajaanibka ahaa ee kasoo qaybgalay, kuwaas oo xiiso badan u qaba inay arkaan qoraalada ay dadka reer Somaliland qoreen.

Hal-ku-dhegga sanadkan ayaa lagu dhigay Male-awaal, waxana sababta lagu micneeyey inuu qof waliba ka faa’iideeyo uu qoro waxyaabaha ama macluumaadka Maskaxdiisa ku jira eek u keydsan si dadka kalena uga faa’iidaystaan.

Xubno ka socday Hay’adaha caalamiga ah oo iyaguna halkaas ka Hadlay ayaa tilmaamay inay ku faraxsan yihiin Dhaxalka ay soo qoreen shacabka iyo qoraallada dalku, waxana ay ku hambalyeeyeen qoraallada dhaxalgalka ah ee ay soo bandhigeen.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment