Dawladda Itoobiya oo Isbeddel ku samaysay Nidaamka Dal-ku-galkeeda
Hargeysa, 14 August, 2014 (Himilo)- Waxa shalay si rasmi ah dib loogu furay Soohdinta u dhaxaysa Somaliland iyo dalka Itoobiya oo labadii bilood ee u dambeeyey u xidhnayd tallaabo dawladda Itoobiya ku xoojinaysay nabad-gelyadada dalkeeda sababo la xidhiidha tuhunno dhinaca ammaanka ah.
Magaalada xuduudka ku taala ee Tog-wajaale, waxa shalay gelinkii hore ka tallaabay hormadii u horeysay muddo todobaaddo ah ee sifo sharciga waafaqsan ugu tallaaba dalka Itoobiya, ka dib markii ay Dal-ku-gal ka qaateen safaaradda Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa, waxaana warka ku saabsan go’aanka dawladda Itoobiya dib ugu furtay xuduudkeeda ay la wadaagto Somaliland shaaca ka qaaday wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gudaha Somaliland.Wasiirrada Arrima Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay dawladda Itoobiya shalay dib u furtay xuduudkeeda, balse wax ka beddel lagu sameeyo nidaamka ay maraan dadka isaga gudbaya xuduudkalabada waddan.
“Xuduudku wuu furan yahay, wallow ay cusleeyeen fiisha oo dadka qaar uun ay siinayeen, haseyeeshee hawshaa aad baanu uga hawl-galnay anigiyo wasiirka Daakhiliga. Markaa waxaan idiin sheegayaa inay maanta yidhaahdeen si sax ahbaanu u furnay, laakiin waxay ku soo kordhiyeen inay dadka faro ka qaadaan,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa shaaca ka qaaday in dib loo furay xuduudaha Somaliland la wadaagto waddamada Jabuuti iyo Itoobiya, waxaanu yidhi, “Waxa noo suura-gashay in arrintii la aqbalo, haddii ay tahay fiisooyinka iyo haddii ay tahay gaadiidka isu socodkiisa labada dalba. Waxaan jeclahay inaan halkan uga jeediyo dawladda Itoobiya si wanaagsan ee saaxiibtinimada leh inaanu isugula garanno in habkaa dib loogu habeeyo, nabadgelyadana si wada-jir ah loo ilaaliyo, xuduudkana loo furo.”
Wasiirka oo ka hadlayey xuduudka dalka Jabuuti waxa meesha ka saaray in xukuumadda Somaliland ku tallaabsatay go’aan la sheegay inay ku xidhay xuduudka Jabuuti, isla shalayna la furay isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee labada waddan. “Sidoo kale, Jabuuti sidaasaanu isla-garannay. Waxaanu jecelnahay inaanu aad u fududeyno isu-socodka Somaliland iyo Jabuuti,” ayuu yidhi Md Waran-cadde.
Dhinaca kale, Taliyaha Laanta Socdaalka ee gobolka Gabiley oo xaruntiisu tahay magaalada Tog-wajaale ee xuduudka dalalka Itoobiya iyo Somaliland ku taala, Cabdirashiid Axmed Xasan, oo xalay u Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey dhaq-dhaqaaqyada isu-socodka labada waddan, ayaa noo xaqiijiyey inay isla shalay subaxnimadii xuduudka dalka Itoobiya ka gudbeen tobankii qof ee u horreeyey ee sifo sharci ah ugu gudba dalkaas muddo dhowr todobaad ah.
“Saaka (shalay Subax) ilaa toban Qof oo ka soo qaatay Fiisihii Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa ku taala, way gudbeen, si sharci ah bay u gudbeen, markaa way furan tahay xuduuddu,” ayuu yidhi Taliye Cabdirashiid.
Taliyaha oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Intii uu xuduudku xidhnaa, safaaradda Itoobiya ee Hargeysa, wax Fiise ah soomay bixin jirin, laakiin, xaggeenna (Somaliland), xuduudku kamuu xidhnayn oo dadka xagga Itoobiya ka imanayaa way soo tallaabi jireen.”
Soohdimaha ay Somaliland la wadaagto waddamada Jabuuti iyo Itoobiya, ayaa xidhnaa muddo ku dhow laba bilood, ka dib markii 24-kii Bishii Shanaad ee sannadkan ay magaalada Jabuuti ka dhaceen qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay dad shacab oo ku sugnaa Maqaaxi laga cunteeyo xilli habeennimo ah, waxaana masuuliyadda Qaraxyadaas sheegatay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalkaasi Soomaaliya. Qaraxyada oo ay fuliyeen laba qof oo midkood haweenay tahay, ayaa la sheegay inay dalka Jabuuti uga gudbeen dhinaca xuduudka Somaliland, waxaanay arrintaasi sababtay in dalka Jabuuti ee weerarku ka dhacay iyo waddanka Itoobiya ay sababo ammaan awgeed u xidhaan xuduudka ay la wadaagaan Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment