Hargeysa, 07 August, 2014 (Himilo)- Kal-fadhiga 25aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa la filayaa inuu si rasmi ah uga furmi xarunta golaha ee magaalada Hargeysa maalinta Sabtida ah ee taariikhdu tahay 9-ka bisha August.
Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal Wargelin ah oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Md Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, kaas oo mudaneyaasha wixii dalka jooga iyo intooda maqanba lagu war-geliyey inay xarunta Golaha iska xaadiriyaan maalinta Sabtida ah.
“Waxa dhammaan mudaneyaasha Golaha Wakiillada lagu war-gelinayaa in uu Maalinta Sabtida eek u beegan 09/08/2014 Saacaddu markay tahay 9:30 AM (Sagaalka Subaxnimo) ay yimaaddaan Xarunta Golaha Wakiillada JSL, iyada oo uu furmi doono Kal-fadhiga Caadiga ah ee 25aad.
Haddaba, waxa mudaneyaasha lagu adkaynayaa kuwa dalka jooga iyo kuwa dibadda jooga ee aan Golaha wax fasax ah ka haysan in ay soo galaan shaqadooda wakhtigana dhawraan,” sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka wargelinta ah ee Xoghayaha Guud ee Golaha.
Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ayaa xilli kasta oo ay dhammaystaan fasaxyadooda aan si habsami ah dib ugu noqon shaqada ay qaranka u hayaan, iyada oo qaarkood fasaxooda u qaataan dalka dibaddiisa isla markaana dib uga dhaca xilliyada ay furmaan kal-fadhiyada caadiga ah ee Golaha oo mararka qaarkood kooram la’aan ku furmi kari waaya, waxaana inta badan wargelinta loo mariyaa warbaahinta dalka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment