Sunday, August 17, 2014

Kenya Oo Gacanta Ku Dhigtay Tahriibayaal Tiro Badan Oo Dalkeeda Sharcidarro Ku Soo Galay

Moyale:Aug,17,2014(Himilo)-Ciidanka Ammaanka Dalka Kenya ayaa gacanta ku qabtay Tahriibayaal Tiradoodu dhan 46-qof oo iskugu jira Somali iyo Ethopian.

imeDadkan ayaa sida la sheegay iyagoo dhuumaalaysi ku jira waxa Lagu qabtay Xadka u dhexeeya Kenya iyo Ethiopia, gaar ahaan Deegaanka Mooyaale, waxana ay haatan gacanta ugu jiraan Ciidanka Kenya.

Taliyaha ciidamada booliska ee deegaanka Moyale ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee Kenya ay dadkaasi ka qabteen iyagoo doonaya inay ka gudbaan xuduuda labada wadan.

Badankooda dadkaasi la qabtay ayaa la sheegay inay ahaayeen dad u dhashay dalka Ethiopia oo doonayay inay sharci daro ahaan ku galaan dalka Kenya, sida booliska laga soo xigtay.

Laakiin booliska ayaan kala sheegin dadkaasi wadamada ay usii kala dhasheen, maadaama ay Yihiin qaar uu ku adagtahay afku.

Benjamin Mwanzia taliyaha booliska ee deegaanka Moyale oo la hadlay wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua ayaa sheegay in dadkaasi ay doonayeen inay dhumaalaysi kaga gudbaan xuduuda.

Dadkaasi ayaa da’dooda lagu sheegay in u dhaxeyso 25-30 sano jiro, waxaana la sheegay inaanay awoodin inay ku hadlaan luqada Inglish-ka ama Sawaaxiliga lagaga hadlo Kenya.

Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamada ay qabteen Qofkii dadkaasi ku hogaamiyay inay si dhumaalaysi kaga gudbaan xuduuda labada wadan, iyadoo la sheegay in maxkamad lasoo taagi doono.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment