Saturday, August 9, 2014

Kenya Oo Saraakiil Lagaga Laayey Deegaanka Mandheera

Mandhera:Aug,09,2014(Himilo)-Wararka Laga Helayo Gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa sheegaya in Laba ka mid ah Saraakiisha Booliska Kenya Lagu Laayey Saldhig Halkaas ku Yaalla.

kekiWar booliska laga soo xigtay ayaa waxaa lagu sheegay in kooxda hubeysan oo 100 ruux gaadhayay ay weerar ku qaadeen saldhiga Finoe magaalada Mandheera weerarkaas oo waqti badan socday.

Taliyaha booliska Mandheera Bosita Omukolongolo ayaa u sheegay wargeyska The Star in kooxda saldhigooda weerartay ay aad uhubeysnaayeen waxaana uu intaa ku daray in 2 sargaal kaga dhimatay saldhiga qeyb ka mid ah uu bur buray.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in dagaalamayaasha Al-Shabab ka tirsan ee saldhiga weerartay ay mar dambe baxsadeen.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment