Tuesday, August 19, 2014

Kulan Madaxweyne Siilaanyo Qasrigiisa Kula Yeeshay Wakiil Kay iyo Waxyaabihii Lagaga Wada Hadlay

Hargeysa:Aug,19,2014(Himilo)-Madaxweyne Siilaanyo ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia iyo Somaliland Mr Nicholas Kay oo Maalintii shalay dalka Booqasho ku yimi.

isie Kulankan Uu Madaxweyne Siilaanyo la lahaa Wakiilka oo ahaa mid saxaafaddu dibad-joog ka ahayd  ayaa markii uu soo dhammaaday waxa saxaafadda Faahfaahin  siiyey wasiirka Arrimaha Dibadda somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo sheegay in laga wada Hadlay Arrimo Badan oo Nabadgelyada Gobolka iyo Wada-hadalladii Somalia lala lahaaba ku jiraan,

“Waxaanu kala hadalay meesha dalku marayo, waxaanu kala hadalay nabad galyada, wada hadalkii Turkiga ka socday, waxaanu kala hadalay Khaatumo oo aanu u aragno inay rabshad wado, waxaanu kala hadalay Puntland, waxaanu u sharaxnay in Somaliland tahay dad jecel nabada, wada hadalna ku dhamayn karo wax walba.” Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay, inay  Waxyaabo kale oo badan ka codsadeen Somaliland in dhinacooda uu wakiilku wax kala qabto, waxana uu yidhi, “Dhamaan Qaybaha Qaramada Midoobay ee dalka oo uu madax ka yahay Nicholas Kay, waxa aanu ka codsanay inay nala shaqeeyaan, inay tababaro na siiyaan, inay xagga awooda wax nagala qabtaan, inay wax nagala qabtaan dhinaca Warbaahinta, Sharciga iyo Horumarinta Haweenka. Waxaanu aaminsanahay inay wada hadalo aad iyo aad u fiican ahaayeen, waxaanu go’aansanay inaanu wada shaqayno”

Nicholas Kay ayaa si balaadhan uga mahadceliyay Soo dhawayn iyo qadarin uu sheegay in loo muujiyay intii uu Somaliland joogay. Waxa uu sheegay in Xafiiskiisa UNSOM waxbadan la qaban karo Somaliland gaar ahaana waxyaabaha Somaliland Mudnaanta siinayso.

“Waxaanu Awoodnaa inaanu Somaliland ka caawino Waxyaabaha ay mudnaanta siinayaan, inaanu ka jawaabno Baahayaha Somaliland. Ujeedada Qaramada Midoobay waxa weeye inay dadka ku taageerto sidii ay ugu raaxaysan lahaayeen Nolol oo leh Nabad Wanagaasan, Nolol fiican, iyo iyadoo la xaq dhawrayo Xuquuda Aadamaha iyo Xorriyada Shaqsiga ahba”Ayuu yidhi Nicholas Kay.

 

Himilo Media


 

No comments:

Post a Comment