Tuesday, August 12, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo iftiimiyey muhiimadda ay Somaliland u leedahay Guusha madaxweyne Erdogan ka gaadhay doorashada Turkiga

Hargeysa, 12 August, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa guusha uu doorashada madaxtinimada dalka Turkiga ka gaadhay ugu hambalyeeyey Madaxweynaha Cusub ee dalkaasi Recep Tayyip Erdogan oo hore u ahaa reysal-wasaaraha dalka Turkiga ka hor doorashada lagu doortay.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu xusay in guusha madaxweyne Erdogan ka gaadhay doorashada dalkaasi Turkiga uu ka rejaynayo mid kor u sii qaadi doonta xidhiidhka labada waddan iyo taageerada dawladda Turkigu u fidiso shacabka iyo dalka Somaliland.

ERDOGAN_SilanyoMadaxweyne Siilaanyo waxa uu sidaas ku sheegay war-saxaafadeed xambaarsan dhambaal hambalyo ah oo xalay ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu dhambaalkaasi u dhignaa sidan:  “Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca goleyaasha qaranka iyo ka shacbiga Somaliland kalsoonidooda, waxaanu Mudane  Recep Tayyip Erdogan,   aan adiga iyo shacbiga aanu walaalaha nahay ee turkigaba waxaan kuugu hambalyaynayaa guushii  iyo natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxtooyadda ee ka dhacday wadankaaga oo mar kale shacbiga Turkigu ay ku siiyeen kalsoonidooda oo ay kuu doorteen Madaxweynaha cusub ee dalkaasi. Arrintaasi oo  adigana Hoggaamiye ahaan kugu sii dhiirigelinaysa inaad halkaas ka sii wado horumarka  xooga leh  ee  aad dalkaaga  u horseeday.

Sidaas darteed, waxaan kuu rajaynayaa in ILAAHAY kuu fududeeyo masuuliyadda shacbigaagu ku saareen.

Qaranka iyo shacbiga Somaliland waxay ogsoon yihiin taageerada iyo gacan-qabashada aad noo fidisaan, taasi oo aan rejaynayo inay sii xoojin doonto xidhiidhka iyo wax wada-qabsiga u dhaxeeya Somaliland iyo Turkiga. WA BILAAHI TAWFIIQ,” ayaa lagu sheegay dhambaalka hambalyada ah ee madaxweynaha Somaliland u diray madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga.

Saddex murashax oo madaxweyne Reccep ka mid yahay, ayaa u isu taagay doorashada madaxweyne markii u horeysay ay shacabka dalkaasi codkooda doortaan, waxaanu Md Erdogan tirada guud ee cod-bixiyeyaasha dalkaas oo dhammayd 39,532,514 ka helay 20,541, 254 oo cod una dhiganta boqolkiiba 51.96, waxaanu murashaxii ugu dhowaa oo lagu magacaabo Ekmeleddin Mehmet Ihsanoglu uu helay 38.33 boqolkii codadka guud.

No comments:

Post a Comment