Wednesday, August 6, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Waftigii ka socday Urur-goboleedka IGAD

Hargeysa:Aug,06,2014(Himilo)-Waftigii Ka Socday Dawlad-goboleedka IGAD ee uu hoggaaminayey Maxamed Cabdi Afey oo Igad wakiil uga ah somaliya, ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), waxaana uu kulankaasi ka dhacay qasriga madaxtooyada.

QEMadaxweynaha Somaliland ayaa kulanka uu la qaatay weftiga ka socday urur goboleedka Igad waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Saylici, wasiirka arimaha debada Maxamed Biixi Yoonis iyo xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.

Ka dib markii uu kulankaasi dhamaaday ayaa waxa warbaahinta faah faahin ka siiyey wasiirka arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis  iy wakiilka urur goboleedka IGAD u qaabilsan somaliya Maxamed Cabdi Afey.

Ugu horayn wasiirka arimaha debada Somaliland oo ka hadlaya kulanka dhex maray madaxweynaha Somaliland iyo weftiga ka socda urur goboleedka IGAD  ayaa waxa uu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa weftiga inooga yimid urur goboleedka IGAD, maanta waxay la kulmeen madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka si ay  uga waramaan  safarkii ay  dalka ku yimideen. iyaga  oo u anba baxay Berbera iyo sheikh si ay  u soo arkaan  dugsiga ay IGAD  lacagta siiso  wasaarado badana la kulmay, IGAD waxaynu ka wada shaqaysaa mashaariic badan, safarkana waxa uu ahaa inay eegaan wixii ka jira dalka iyo sidii loo kobcin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland Iyo IGAD anaguna waanu soo dhawaynaynaa waxaanan uga mahad naqaynaa waxtarkooda, waxaanu jecel nahay inaanu sii kordhino waxtarkaas isaga oo safiirku la kulmay wasaarado badan oo xidhiidh ka dhaxeeyo.” Ayuu yidhi wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis .

Waftigan ayaa lagu wadaa inay dhawaan kulamo gaar ah la qaadan doonaan xisbiyada qaranka Somaliland, iyagoo hore u  sheegay inay somaliland ka caawin doonaan arrimaha Doorashooyinka foodda inagu soo haya.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment