Wednesday, August 6, 2014

Madaxweyne Silaanyo Oo Ka Tacsiyeeyey Shacabka Somaliland Laba Marxuum Oo Ku Kala Geeriyooday Hargeysa Iyo Burco

Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa tacsi u diray qoysaskii iyo guud ahaan qaranka Somaliland ee ay ka geeriyoodeen labada marxuum ee kala ah Marxuum  Maxamed Yusuf Jaamac (Dhegay) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa iyo Marxuum Suleebaan Haybe Xaaji Dude oo ku geeriyooday magaalada Burco.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af-hayeenka madaxtooyada oo tacsidani naga soo gaadhay ayaa waxay u dhigneyd sidatan:-

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Marxuumiinta kala ah Maxamed Yusuf Jaamac (Dhegay) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa iyo Marxuum Suleebaan Haybe Xaaji Dude oo ku geeriyooday magaalada Burco.

 

Labadaa Marxuum oo ahaa Odayaashii iyo waxgaradkii kaalinta weyn ka soo qaatay dhismaha qaranka iyo nabadiisaba waxa uu madaxweynuhu ILLAAHAY uga beryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena  Samir iyo Imaan ha ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment