Monday, August 18, 2014

Maydadka Da’yar Is Deldeshay Oo Saaka Laga Helay Daafaha Hargeysa

Hargeysa:Aug,18,2014(Himilo)-Meydadka Laba dhallinyaro oo rag ah ayaa saaka laga Helay iyagoo ka Laalaada Meelo kala duwan oo caasimadda Hargeysa Hareeraheeda ah.

photoMeydadka dhallinyaradan ayaa wali aqoonsan wajiyadooda, waxana lagu war helay iyagoo kasoo laalaada Dhir dhaadheer oo ay qiyaastii  habeenkii  xalay iska soo laalaadiyeen.

Dhinacyada Koonfureed iyo Galbeed ee Magaaladda Hargeysa ayay labadan fal ka dhaceen, waxaanay dadkii ka ag dhawaa ay ku tilmaameen in ay ahaayeen dhacdooyin uurku taalo badan.

Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda, hasayeeshee maydka labada qof ayaa la dhigay cusbitaalka Weyn ee Magaaladda Hargeysa.

Ciidanka Boliska ayaan iyagu wali ka Hadlin, waxase wararka aanu Haynaa sheegayaan in meydadkan ciidanka ay kusoo xidheen dad shacab ah oo arkay iyagoo ka laalaada dhirta ay isku dabeen.

Dhalliyaradan ayaa dadkii arkay sheegeen inay wajiyadoodu u eg yihiin dad somaliyeed, halka wararka qaarkood sheegayaan in laga yaabo inuu midkood u egyahay qoomiyahadaha ku nool dalka Ethiopia.

Nidaamka deldelaadda ayaan ku badnayn Somaliland, maadaama shacabkeedu yihiin muslim, waxase jira duruufo adag oo marmarka qaar dhallinyada ku kallifi kara inay qudhooda jaraan.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment