Thursday, August 14, 2014

Meyd La Garan La’yahay Oo Maalintii Saddexaad Yaalla Cisbitaalka Guud ee Hargeysa

Hargeysa:Aug,14,2014(Himilo)-Mayd Lagu Sheegay inuu Nin yahay ayaa maalintii saddexaad yaalla Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, kaas oo la La’yahay cid wali aqoonsato.

meydWararku waxay intaas ku darayaan in maamulka Cisbitaalka Magaalada Hargeysa ay maalintii shalay Xeer ilaalinta ka codsadeen in loo ogolaado inay aasaan.

meydadka la garan waayo ee la soo dhigo Cisbitaalka weyn ee Hargeysa ayaa la sheegay inay hab samo fal ah u duugaan ama u bixiyaan kharashka aasitaankiisa ku baxaya qaar ka mid ah shirkadaha waa weyn ee Xarumaha ku leh Somaliland,waxaana suurta gal ah in shalay galinkii danbe loo gudbiyo shirkadahaasi si ay uduugaan ama u bixiyaan kharashka aaska ku baxaya.

 

Meydka qofkan raga ah ee la garan laayahay ee yaala Cisbitaalka weyn ee Hargeysa ayaa la sheegay in saddex cisho ka hor gaadhi ku soo jiidhay Tuulada Halleeya ee kaantaroolka dhinaca Bari ee Caasimada Hargeysa,waxaana la sheegay in markii uu gaadhigu jiidhayba ay naftu ka dhacday islamarkaana aan jeebkiisa laga helin wax dhomenti ah oo lagu aqoonsan karo.

sidoo kale meydkaasi oo si weyn saddexdaa cishaba looga baahiyay goobta uu gaadhigu ku soo jiidhay ee Tuulada Haeeya si loo helo cid garata ama soo tilmaanta eheladiisa,sidoo kale waxaa saddexdaa cisho ee uu yaalay si isdaba joog ah ugu soo booqanayay Cisbitaalka Hargeysa dad shacab ah oo badan kuwaasi oo loo furay albaabada Qolka Meydka,wali cid garataana may soo gelin.

Marxuumkan la garan laayahay ayaa aad ugu dhaw qoomiyada Soomaalida,inkastoo Maamulka Cisbitaalku ka shakiyay inuu yahay Itoobiyaan siiba Qoomiyada Oromada oo Qaxooti badani Somaliland ka degan yahay hadana dad badan oo qoomiyadaa ka mid ah oo Hargeysa caan ka ah oo sida ay qaarka mid ah Shaqaalaha Cisbitaalku noo sheegeen shalay ilaa doraad dad qoomiyadaasi ah dulkeenay meydkan umay suurta galin in la garto.

Maydkan ayaa lagu wadaa in Wixii jimcaha ka dambeeya Haddii la waayo Cid Garata la Aasi Doono, iyadoo laga reebayo sawirro iyo waxyaabo kale oo la tuso haddii ay mustaqbalka dambe yimaadaan cid garanaysaa.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment