“Golaha Wakiillada waxa uu Madax ah Ninka Madaxweyne-nimada doonaya, haddaanay sharci ku fadhiyin maxay ku doonayaan Madaxnimo?..” Xaaji Cabdikariin Xuseen (X. C/Waraabe”
Hargeysa, 14 August, 2014 (Himilo)- Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Guddiga doorashooyinka Qaranka u soo jeediyey inaanay samaynin diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo Muwaaddiniinta illaa ay qiimayn iyo sahaman ka sameeyaan guud ahaan gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka, isla markaana markay hubiyaan inay waddanka oo dhan ka dhici karto qabtaan, haddii aanay ka wada-qabsooi karinna dib loo dhigo, soo jeedintaas oo ay dadka qaar u arkaan mid dib u dhigi karta qabashada doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ee 2015-ka.
Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Siciid Jaamac Cali iyo Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Guurtida Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (X. C/Waraabe), ayaa Shir Jaraa’id oo ay shalay ku qabteen xaruntooda, waxay kaga jawaab-celiyeen hadallo ka soo yeedhay Siyaasiyiin Mucaarid ah oo sheegay inay Golayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiilladu Sharci-darro ku fadhiyaan oo aanay hadda sharci ahayn iyo heshiis ay Xisbiyada WADDANI, UCID iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashigu Axaddii ku kala saxeexdeen Hargeysa oo dhigaya haddii doorashada Madaxtooyada la qaban waayo inta ka horraysa 26 June 2015 oo wakhtiga Madaxweynuhu ku eg-yahay ay soo dhisi doonaan dawlad wadaag ah.Hase-yeeshee, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Guurtida Siciid Jaamac iyo Xaaji Cabdi-Waraabe, ayaa hadalladaas iyo heshiiskaas ku tilmaamay wax lala yaabo iyo sharci-darro aan la aqbali karin oo aanay waxba ka jirin. “Asxaabta Qaranka waxaad mooddaa inay had iyo jeer baal-maraan Sharciga, waxa hadalladoodii ka mid ahaa jiritaanka Goleyaasha Qaranka, ma jecli inaan dood dheer ka galo Goleyaasha Qaranku ma jiraan iyo ma Xaaraan baa? Laakiin, waxaan leeyahay waa Goleyaashii dalka ugu sarreeyay, cidda leh Goleyaasha Qaranku Xaaraan bay ku fadhiyaan ama ma jiraanna waa cid leh Somaliland ma jirto. Goleyaasha Qaranku waa Goleyaasha Xeer-dejinta, Sharci baanay ku fadhiyaan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali.
Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Guurtida oo ka hadlayey qodob ka mid ah Heshiiska ay Axaddii toddobaadkan kala saxeexdeen Masuuliyiinta labada Xisbi Mucaarad ee UCID, WADDANI iyo Siyaasiyiinta la baxay Madasha Wada-tashiga Somaliland oo dhigayey ama ay ku sheegee inay dawlad wadaag ah dhisi doonaan marka ay muddo-xileedka sharciga ah ee Madaxweyne Siilaanyo dhammaado 26 June 2015-ka, haddii doorashada Madaxtooyada inta ka horreysa la qaban waayo, balse waxa uu Guddoomiye ku-xigeenku ku dooday in qodobkaasi yahay sharci-darro cad.
Waxaanu Siciid Jaamac Cali oo waxa Sharcigu ka qabo qodobkaas iyo waxa la yeelayo haddii doorashadu qabsoomi waydo uu yidhi; “Haddii Doorashadu qabsoomi waydo duruuf kasta ha ku qabsoomi waydee Dastuur baynu leenahay oo wax ka dhigaya Qodobka 83-aad Farqadiisa 5-aad ee Dastuurka ayay ku caddahay habka looga gudbayo haddii doorashada Madaxweynuhu qabsoomi waydo. Waxa uu Golaha Guurtida ku waajibinayaa inuu Muddo-kordhin u sameeyo Madaxweynaha, isagoo waliba ku qiimaynaya xaaladdaas inta lagaga gudbayo. Waa Awood gaar ah oo Dastuurku siiyay oo u jideeyay Golaha Guurtida.”
Guddoomiye Ku-xigeenka Golaaha Guurtidu waxa uu Guddida Doorashooyinka Qaranka Faray inay Sameeyaan Qiimayn iyo Sahan ku saabsan sidii dalka oo dhan doorashadu uga dhici lahayd, waxaanu yidhi; “Xeerka Doorashooyinku waxa uu dhigayaa, in Doorashooyinku ka qabsoomaan dhammaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland. Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxaannu u soo jeedinaynaa inta aanay bilaabin diiwaangelinta inay Sahan sameeyaan ama qiimayn buuxda. Gobol iyo degmaba inay ka sameeyaan qiimayn bal in doorashadu ka qabsoomayso iyo in kale, hadii meelo dalka ka mid ah Xaalado ka jiraan ama Abaar ha noqoto ama Mid nabadgelya-darro ah, annagu waxaannu qabnaa inta dalku ka baxayo Xaaladahaas inaanay doorasho ka dhici karin dalka, haddii dalka qaybna doorasho lagu qabto qaybna aanay ka dhicin waxay wax u dhimaysaa israacsanaanta dal ahaaneed ee Somaliland. Waxay micnaheedu noqonaysaa inaanay inta aan doorasho ka dhicin Somaliland aanay ka mid ahayn, waa Farriin aan siinayo Komishanka Qaranka” ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka Guurtidu.
Sidoo kale, Xil: Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (X. Cabdi-Waraabe) oo isaguna Shirkaa Jaraa’id ka hadlay, waxa uu yidhi; “Guurtidu waa dhex asalkeeda, Ninka yidhi Sharci kuma fadhido, isaguna xagguu fadhiisanayaa? Waa dawladi ma jirto. Inuu Mucaaridku hadlo oo uu kursiga ku tartamo waa la oggol yahay oo waa munaasib, laakiin muxuu ku tartamayaa haddaan dawladiba jirin? Raggaa Xisbiyada Mucaaridka ahi dee Madaxnimo ayay doonayaan, Golaha Wakiillada waxa uu Madax ah Ninka Madaxweyne-nimada doonaya, haddaanay sharci ku fadhiyin maxay ku doonayaan Madaxnimo?.” Sidaa ayuu yidhi Xaaji Cabdi-Waraabe.
Waxaanu ka jawaabay su’aal laga weydiiyey sababta ay Xisbiyada Mucaaridka ah ugu digayaan iyadoo ay dalka ka socdaan Shirar ka dhan ah Qarannimada Somaliland sida Shir Kooxda Khaatumo uga socda deegaanka Saax-dheer oo ka trisan gobolka Sool, waxaanu yidhi; “Shirka socda Raggoow ha isku tegina la odhan kari maayo, laakiin shir aynu waafaqsannahay oo quman oo halkaas Khaatumo ka jiraa ma jiro.”
Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay Golayaasha Baarlamanku ku fadhiyaan muddo-kordhin sannado badan ah iyo waxay hadalladan ku diidan yihiin, waxa uu yidhi; “Muddada wakhtigooda waa la soo jeediyey oo waa la kordhiyey, Madaxweynaa kordhiyey, Maxkamadduna way ku raacday, Goluhuna wuu ansixiyey, waa sharci, cid leh sharci maahana ma jirto. Madaxweyne Siilaanyo markii uu lahaa waa sharci-darro, dee halka ay maanta qoladani taagan yihiin ayuun buu taagnaa.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment