Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed-Cambaro), ayaa markii la qabtay ninkan u waramay Wargeyska Himilo isla markaana sheegay in loo mustaafurinayo dalka Itoobiya Nin u dhashay oo cudurka Juudaanka qaba oo gacanta ay ku dhigeen, ka dib markii dorraad uu nin Muwaaddin ahi ku war-geliyey in ninkaasi dalka soo galay.Taliyaha Socdaalka Gaashanle Sare Maxamed Cali Yuusuf, waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi Gaar ah oo uu siiyey Wargeyska Himilo Taliyaha oo ku sugan magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi:- “Sida uu noo sheegay, kana muuqata jidhkiisa nin qaba cudurka juudaanka ayaan qabannay, berri-na (shalay) waxaannu ku celinaynaa Itoobiya.” ayuu yidhi Taliyaha Socdaalka Somaliland Maxamed Cali.
Waxa uu Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland, sheegay in ninkani ka soo baxsaday Xero lagu Karantiimeeyo dadka qaba Cudurka Juudaanka oo ku taalla gudaha dalka Itoobiya, sida uu u sheegay markii ay waraysteen Ciidanku, isla markaana ay go’aan ku gaadheen in dalkiisa dib loogu celiyo, waxaanu yidhi; “Ninkan oo magaciisa ku sheegay Maxamed A. Cali, wuxuu sheegay inuu ka soo baxsaday Xero lagu Karantiimeeyo dadka qaba Cudurka Juudaanka oo Itoobiya ku taal, laba maalmoodna joogay Hargeysa, waxaanan go’aan ku gaadhnay annaga iyo Wasaaradda Caafimaadku in dib loogu celiyo berri (shalay) dalkiisa.”
Taliye Maxamed Cali Yuusuf, waxa wareysigaasi uu ku sheegay inay Abaal-marin guddoonsiin doonaan Muwaaddinkii ninkan cudurka qaba soo sheegay. “Warka ninka xanuunsanaya waxa na soo gaadhsiiyey Muwaaddin jooga Hargeysa Axaddii, hawgal Ciidanka Socdaalku sameeyeen waxay ku guulaysteen inay maalin gudaheed ku soo qabtaan, waxaanan siin doonnaa Abaalmarin dhiirrigelin ah Muwaaddinkaa waajibkiisii saarnaa ee waddaninnimo gutay.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland.
Gaba gabadii ciidanka laanta socdaalka Somaliland ayaa si rasmi ah ninkaasi ugu mustaafuriyey dalka itoobiya (shalay ) ee uu markii hore ka yimid, talaabadan oo noqonaysa mid lagu badbaadinayo bulshada isla markaana lagaga hor tagayo cudurada halista ah ee ay sidaan dadka sifaha sharci darada ah ku soo gala Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment