Tuesday, August 12, 2014

Somaliland oo Jawaab aan u qalmin ka bixisay Doorasho ka dhacday gobolka Sool, Dudmada Xaabsade iyo Daan-daansiga Puntland

Saax-dheer, 12 August, 2014 (Himilo)- Magaalada Saax-dheer oo ku taala Hawdka gobolka Sool ee Somaliland oo muddooyinkii u dambeeyey shir uga socday kooxda la baxday Khaatumo, ayaa shalay lagu doortay baarlamaan ay yeelanayaan kooxdaasi oo qalalaase iyo nabad-gelyo-darro ka wadda deegaannada Bariga ee dalka.

Baashe-FaarxKooxda la magac-baxay Khaatumo oo muddooyinkii u dambeeyey xarun ka dhigtay tuulada Saax-dheer oo ku taala Xuduudka Itoobiya la wadaagto Somaliland, ka dib markii ciidamada Qaranku ka saareen degmada Taleex ee gobolka Sool oo fadhiisin u ahayd, ayaa shir muddo uga socday magaaladaas, waxa ay shalay ku doorteen baarlamaan kooxdaasi yeelanayso, waxaana madasha doorashadu ka dhacday goob-joog ka ahaa siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed deegaannadaas u dhashay oo aragtidooda siyaasadeed ka soo horjeedda dhismaha qaranimada Somaliland.

Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa fadhiisimo ka samaystay meel u dhaxaysa tuulada Saax-dheer iyo magaalada Kala-baydh oo iyadu u dhaxaysa Laascaanood iyo goobta shalay doorashadu ka dhacday, iyada oo dawladda Somaliland sheegtay inay ka war-haysay geeddi-socodka shirka shalay lagu doortay hoggaanka iyo xubnaha baarlamaan ay yeelanayaan kooxdaasi Khaatumo.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Sool, ayaa iftiimiyey taageero u muujiyey shirka ka socda deegaaka Saax-dheer ee shalay doorashadu ka dhacday, isaga oo xusay inay dawladda Somaliland u hoggaansantay ballan-qaad kooxdaasi hore u sheegeen.

Baashe Maxamed Faarax oo shalay war-fidiyeennada ugu warramay xafiiskiisa oo uu kaga hadlay arrimo door ah oo khuseeya goosashada Xaabsade iyo faro-gelinta maamul-goboleedka Puntland ku hayo deegaannada Bariga dalka, ayaa mar wax laga weydiiyey shirka ka socda Saax-dheer iyo kaalin ay Itoobiya ku leedahay shirkaas, waxa uu ku jawaabay, “Itoobiya ma ilaalinayso, Saax-dheer waxa mara Xuduudda Kalaydh, sida ay waddadu u kala dhex-marto madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, ayay xuduuddu u dhexmartaa Saax-dheer, haddii ay dhinacooda yimaaddeen ma sheegin, laakiin cid xabashi ah oo ilaalinaysa Saax-dheer ma jirto. Waxa jira niman Odayaal ah oo jooga, wax innaga qarsoon maaha, horena way u jirtay, haddana wixii laga yeelayo waa laga tashanayaa, waxay noo ballan-qaadeen markay maamul samaystaan, inay Somaliland wada-hadlayaan,” ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

Dhinaca kale, guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, waxa uu ka hadlay goosashada Xaabsade uu mar labaad dib ugu noqday maamul-goboleedka Puntland oo dorraad lagu soo dhaweeyey.

“Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu ka mid yahay odayaasha Somaliland. Dad badan oo Somaliland ah oo cadhooday oo Xamar ama meel kale aaday way jiraan. Hadda xil muu haynin, gurina wuu ku leeyahay Garoowe, hadduu Jabuuti tago iyo haddii uu gurigiisii tago, waa oday ka mid ah Somaliland, buun-buuniskana halaga daayo. Odaygu gurigii buu ku leeyahay, dhaqankeenana caadadiisu waxa weeyi haddaad laba reer leedahay, marba midbaa loo tagaa. Afkiisana waxba lagama maqal, laakiin waxaan idiin sheegayaa, nin, labaatan, laba boqol, kun laba kun oo Somaliland ka tagaa waxba yeeli maayaan,” ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay faro-gelin maamul-goboleedka Puntland ku hayo deegaannada Bariga Somaliland, gaar ahaan gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Gobolka Sool wuxuu la mid yahay gobollada Somaliland. Haddii Borama wareegto iyo Burco wareegto uunbuu la mid yahay, marka kuwaasi wareegaan, ayuunbuu isaguna (Sool) wareegayaa, markaa ama Cabdiweli (madaxweynaha Puntland) ha yidhaahdo ama Cali (Khaliif Galleydh) ha yidhaahdo, Xuduudaheeda ninka kasta oo Somaliland ahi difaaceeda ayuu galayaa, ninkii baxa ama iska taga, kuma dhisna, haddii ay qof ku dhisan tahay Sool, markii hore ayaynaan haysan,” ayuu yidhi Md Baashe Maxamed Faarax.

Si kastaba ha ahaatee, jawaabta uu guddoomiye Baashe ka bixiyey su’aalaha laga weydiiyey go’aanka Xaabsade ugu wareegay maamul-goboleedka Puntland iyo shirka kooxda Khaatumo ee doorashadu ka dhacday, ayaa u muuqda qaar aan gaadhsiisnayn heerkii iyo jawaab-celintii looga baahnaa inay dawladda Somaliland ka bixiso, maadaama ay arrimahani yihiin qaar dhaawac u geysanaya qaranimada Somaliland.

No comments:

Post a Comment