Wednesday, August 13, 2014

Somaliland Oo Ku Dhawaaqday In Ethiopia Furtay Xuduudda Labada Dal iyo Shardi Cusub Oo Lagu Xidhay Dadka Gudbaya

Hargeysa:Aug,13,2014(Himilo)-Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in xuduudda u dhaxaysa Somaliland iyo Ethiopia oo muddo xidhnayd Maanta si rasmi ah loo furay.

m bixiWasirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis ayaa warkan ku  dhawaaqay, isla-markaana xadku u furan yahay cid kasta oo maraysa.

Waxa uu wasiirku sheegay in dhigooda Ethiopia kusoo wargelisay inay ka qaaday xayiraaddii saarnayd, isla-markaana si caadi loo mari karo.

“Waxaan doonayaa inaan maanta idiin sheego inaanu la xidhiidhnay Dawladda iyo Safaaradda Ethiopia oo aniga iyo Cali Warancadde si aada uga hawl galay, maantana ay noo caddeeyeen in Safaradii marayay Tog-wajaale iyo dadkii tagayay loo furay, sidaad Ogtihiin dadka Ethiopia tagaya ee Diyaaradda raacaya ama Caafimaad iyo arimo kale u tagaya way baxayeen oo dhibaato badani ma taagnayn, haseyeeshee Safarradii marayay Tog-wajaale iyo Xuduuda oo marka hore dhibaato ka yara taagnayd waxay maanta noo sheegeen in si buuxda ay Dadka iyo gaadiidkuba u marayaan laakiin, ay ku soo kordhiyeen in dadka Faraha laga qaado. Markaa farahaas ayaa la iska qaadayaa waana in dadka tagaya ee Fiisaha ka doonayaa ay Ogolaadaan Faraha la iska qaadayo oo ay kala shaqeeyaan Ethiopia, haseyeeshee wax dhibaato ah oo dalka ka taagan ma jirto” ayuu yidhi Wasiirka Arimaha dibada Somaliland.

 

Dawladda Ethiopia ayaa Xuduudka Xidhay Bilihii la soo dhaafay sababo amaan awgeed ka dib markii Jabuuti Qarax ka dhacay Bishii may ee sanadkan. Qaraxa jabuuti oo dadka gaystay Somaliland sii mareen ayaa sababay in Ethiopia iyo Jabuuti Somaliland ka xidhaan xuduuda.

 

Himilo Media


 

No comments:

Post a Comment