Guddoomiyaha Gobolka Salel, Taliye ku-xigeenka Laanta Socdaalka Somaliland iyo saraakiil kale oo ku sugan magaaladda Lawyacdo ee Xuduudka Somaliland ayaa labadii maalmood ee u danbeeyey ku sugnaa, ayaa shalay kormeer ay xaaladda ammaan ee xuduudka ugu kuur-galayaan, waxa ay ku shaaciyeen tallaabo dhinaca ammaanka iyo isu-gudubka gaadiidka iyo dadweynaha labada waddan lagu xoojiyey.Dawladda Jabuuti ayaa hore u xidhatay Xuduudka ay la wadaagto Somaliland, iyadoo ku sababaysay inay ku sugayso amaanka dalkeeda, hase yeeshee Xukuumadda Somaliland oo wada-hadalo kala yeelatay sidii loo furi lahaa xuduudka isla markaana tiraba dhowr jeer u dirtay wufuud heer wasiir ah, ayaan haba-yaraatee dawladda Jabuuti wax jawaab ah ka bixin, arrintan oo keentay in xukuumadda Somaliland markeeda ku dhawaaqdo go’aanka ay ku gaadhay inay xakamayso isu-gudubka xuduudka labada waddan.
Ma cadda sababta rasmiga ah ee ay Somaliland u xidhatay inay tahay mid dhinaca Amaanka ah iyo in ay tahay arrimo siyaasadeed oo u dhexeeya, haseyeshee go’aankan ayaa u muuqda mid ka shidaal-qaadanaya hab-dhaqanka dawladda Jabuuti ee dhinaca xuduudka oo tiraba dhowr jeer arrimo siyaasadeed ka soo noq-noqdeen.
Xukuumadda Jabuuti ayaa Somaliland ka haysa Maxaabiis loo qab qabtay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Dalka Jabuuti, kuwaas oo arrimo baadhitaan loogu gacan galiyey, hase yeeshee waxa meesha ka baxay balanqaad heshiis lagu ahaa oo ahaa in Dalka dib loogu soo celin doono si loogu Maxkamadeeyo.
Somaliland iyo Djibouti ayaa waxa ka dhexeeya derisnimo sokeeye iyo mid siyaasaddeed, waxaase muddooyinkii u dambeeyay isa soo taraya xiisad salka ku haysa xurguf siyaasadeed oo labada dawladooda u dhexaysa, taasoo waxyaabaha keenay ay ka mid yihiin xadhiga Sarkaal reer Djibouti ah oo Hargeysa ku xidhan iyo dad reer Somaliland ah oo iyagana dalkaasi loo gacan geliyay bishii hore si baadhitaan loogu soo sameeyo, balse markii dambe u muuqday in heshiiskaasi meesha ka baxay.
No comments:
Post a Comment