Eedahan ayaa waxa soo jeedisay Maxkamad ku taalla isla dalkaas Hindia, taas oo tilmaamtay inaanay xukuumaddu ku dedaalin soo daynta Muwaadiniintaas.Maxakamadda ayaa walaac xoogan ka muujisay xaaladda ay ku sugan yihiin 7 qof oo u dhashay India oo budhcad badeeda gacantooda ku jira illaa sanadkii 2010.
Rakesh Malhotra oo ah mid ka mid saraakiisha dalka India ayaa sheegay in Dowladda India ay waajib ka saranyahay badbaadinta Muwadiniinta India ee dhibaatooyinka ay dunida ku qabsadeen waxa uuna tilmaamay in dowladda India ay ka gaabisay soo badbaadinta Muwadiiniinta Inian-ka ah ee Budhcad badeeeda Soomaalidu heystaan
Muwadiniintaan 7 qof gaadhaya ayaa la afduuubtay bishii September 29 sanadkii 2010, iyagoo la socda Markab ganacsi oo marayay Biyaha Soomaaliya.
Biyaha Soomaaliya waxaa xilligan ku sugan Maraakiib caalami ah kuwas oo ka wada howl gal ay ugu magac dareen la dagaalanka Budhcad badeeda Soomaalida ah, waxaana dhawaan daraasad ay samayeen Machadka King College iyo Jaamaca oxford ee dalka Britain ay ku sheegeen in qaabka ugu fudud ee lagu cidhib tiri karo Budhcad badeeda Soomaalida ay tahay in lacago la siiyo odayaal dhaqameedka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanadda ay ka soo duulaan tagaan budh-cad badeedu.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment