
Sayeeda Warsi oo ah haweenaydii ugu horaysay ee Xil Wasiirnimo ka qabata dawladda Ingiriiska, waxa ay shalay waraaqda iscasilaada u gudbisay xafiiska reysal-wasaare David Cameroon, sida ay ku sheegtay war kooban oo ay Warbaahinta dalkaas siisay, iyada oo sheegay in xukuumadda Ingiriisku ay lumisay doorkii ay ku lahayd dhacdooyinka caalamka ka dhacaya.
Waxa ay sheegtay in xukuumadda ay ka tirsanayd aanay cambaarayn gumaadka ka socda GAZA oo ku tilmaantay wax aan indhaha laga qarsan karin, isla markaana ay xukuumadda David Cameroon ixtiraami wayday Xuquuqda aadamaha.
Xisbiga Conservative-ka ee uu hoggaamiyo raysalwasaare David Cameroon, ayaa marka loo eego xisbiyada kale ee Ingiriiska, waxa uu xidhiidh dhow la leeyahay dalka Israa’iil, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay xisbiga kaliya ee Yuhuudda ku dhaqan dalkaasi siyaasad ahaan taageera isla markaana ay ku jiraan siyaasiyiin Yuhuud ah.
Mrs Warsi waxa ay ahayd guddoomiyihii Xisbiga haya talada dalka Ingiriiska ee Conservative wakhtigii uu mucaaradkaa, waxaanu Reysalwasaare David Cameroon oo is-casilaaddeeda ka hadlay sheegay inuu ka xun yahay inaanay go’aankeeda la wadaagin isaga ka hor intaanay bulshada u bandhigin.
Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha (Labour Party) ee dalka Ingiriiska Ed Miliban, ayaa taageeray go’aanka ay qaadatay Mrs Warsi oo uu ku tilmaamay mid geesinimo leh, isaga oo sheegay inay is-casilaaddeedu muujisay sida ay xukuumadda David Cameroon ugu kala aragti duwan tahay xaaladda Gaza.
Dadka ka faalooda arrimaha Siyaasadda ee Britain, ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid saamayn ku yeelanaysa siyaasadda khaarajiga ee Xukuumadda David Cameroon iyo waliba xulafada reer Galbeedka oo aanay damqeyn Dhiiga Shacbiga Falastiin ee Yuhuudu daadinayso.
Waa masuulkii ugu horeeyay ee Muslim ah ee xil uu ka hayay mid ka mid ah Dawladdaha Maraykanka iyo Israa’iil Saaxiibka la ah iska casila, iyada oo dhinaca kale u muuqata arrin dood ka dhex-abuuri karta bulshooyinka reer ku dhaqan waddamada Galbeedka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment