Hargeysa:Aug,09,2014(Himilo)-Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport waxa Maanta Lagu soo dhaweeyey Wafti uu hoggaaminayey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Safar Gaaban ugu Maqnaa Dalka Sucuudiga.
Wasiir Xirsi ayaa ugu horeyn ka hadlay waxyaabaha safarkiisu ku salaysnaa, isagoo sheegay markii uu dhameystay Socdaal Cibaado Cimraysi ah uu kulamo la qaatay Jaaliyadda Sucuudiga iyo xubno ka tirsan Dhaxal sugeyaasha Sucuudiga.
Wasiir Xirsi inay rajaynayaan in Jaaliyadda iyo Ganacsatada Somaliland ee Sucuudigu bixiyaan lacag dhan Saddex Boqol oo Kun oo Doolar, taasi oo ay ugu tabarucayaan Jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco. Waxa uu sheegay in lacag $260,000 dhan ay bixiyeen baaqigana ay ka sugayaan.
Waxa kale oo faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha ay kala hadleen Dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga iyo Wiilkiisa oo ay kulamo la qaateen “Waxaanu la kulanay Laba Nin oo Reer Boqor ah, runtii ma odhanayno waxan ayaan ka sidnaa oo waa markii noogu horaysay balse waxaanu ku hindisnay oo aanu isku daynay inaanu u bandhigno dal ahaan halka aynu taaganahay iyo waxay inaga aaminsan yihiin, si fiican ayay noo qaabileen waxaanuna ku balanay in markale la isku soo noqdo, iyagana waxaanu ku casuunay inay dalkeena yimaadaan, si fiicana wuu noogu dhacay kulankaasi” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.
Waxa kale oo uu sheegay in Sucuudigu Balanqaaday Maalgashi uu ku sameeyo Dalalka Somaliland la jaarka ah, kuwaasi oo Somaliland ka mid tahay. Waxa uu sheegay inay danaynayaan Xoolaha, Kalluunka iyo Cuntooyinka kale ee ay isticmaalaan meel u dhaw oo ay ka helaan islamarkaana ay arrintaasi kala hadleen in Somaliland laga heli karo waxyaabo badan oo Sucuudigu u baahan yahay.
HALKAN KA DHEGAYSO
[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/08/Wasiirka-Madaxtooyada-oo-dalka-so-gaadhay-maanta.mp3"][/audio]
Himilo Media
No comments:
Post a Comment