“Waxaanu U Bandhignay Kaalinta Jamhuuriyada Somaliland Kaga Jirto Mindaqada Geeska Africa Iyo Sida ay u Tahay Jawharad Ka Dhex Iftiimaysa Geyiga Ay Degan Tahay”
….. Nuxurka Kulan aanu la yeelanay Dhaxal-Sugayaasha Boqortooyada Sucuudiga………..
Hargeysa (Himilo) Wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali X Xasan oo socdaal shaqsi ah ku jooga dalka boqortooyada Sacuudiga ayaa la kulmay dhaxal-sugayaasha boqortooyadaasi oo kala ah Amiir Cabdiraxmaan Binu Cabdal-Casiis iyo Amiir Cabdala Bin Cabdiraxmaan Bin Cabdal Casiis iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan boqortooyada Sucuudiga.
Wasiir Xirsi oo qoraal kooban oo uu kaga warbixinayo kulankii uu la yeeshay dhaxal-sugayaasha boqortooyada Sucuudiga ayaa waxa uu ku baahiyey barta uu internetka ku leeyahay ee la yidhaahdo GUUSHA.COM, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-
“Mahadnaqa Illahay kadib, Aniga oo dalkayga iyo dadkayga metalaya waxaan la kulmay Amiir Cabdiraxmaan Binu Cabdal-Casiis iyo Amiir Cabdala Bin Cabdiraxmaan Bin Cabdal-Casiis oo ah wiil iyo aabihii kuwaas oo ka tirsan qoyska Boqortooyada Sucuudiga sidoo kalena waxaanu kulamo kala duwanay la yeelanay masuuliyiin kamida hawl-wadeenada Dawlada Boqortooyada Sucuudiga.
Kulamadan ayuu igu wehelinayey Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Xige “Cabdilaahi Balaki”
Ka sakow haybada dawladnimo ee ay nagu qabileen Masuuliyiintas aanu la kulanay waxaanu u bandhignay kaalinta Jamhuuriyadda Somaliland ay kaga jirto Mandaqada Geeska Africa iyo sida u tahay jawharad ka dhex iftiimaysa geyiga ay degan tahay.

Sidoo kale waxaanu salaan ka gaadhsiinay Madaxweynaha JSL iyo Shacabka reer Somaliland anagoo ku bogaadinay sida ay heegan ugu yihiin daryeelka Guriga Illahay ee sharafta badan iyo soo dhawaynta Martida Illaahay
Dhankooda ayey masuuliyiinta iyo Dhaxal-sugayaasha Boqortooyada Sucuudigu soo dhaweeyeen kulamadan iyagoo u bogay hanaan socodka Dawlada Somaliland kuna amaanay dedaalka aan ugu jirno ka midho dhalinta Qarankeena”.
Ogow Oo Dareen Meel Aad Joogtaba Waxaad Tahay Tusaale Nool Oo Fariin Ka Gudbinaya Qarankeena.
Wa Bilaahi Tawfiiq.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment