Burco, 07 August, 2014 (Himilo)- Dadwayne gadoodsan ayaa shalay bannaan-bax cabasho kala hor tagay Wasiirka wasaarada Cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo booqasho hawleed ku jooga Magaaladaas oo uu shalay ka dhax-dhigay dhismeyaal ay wasaaraddu ku yeelanayso gobolka Togdheer.

Dadwaynaha Wasiirka ku mudaharaaday oo ahaa dad Kiisas iyo dacwado uga socdaan maxkamadaha Magaalada Burco oo Kaambool ku wada jira, ayaa hadalo qaylo iyo cabasho ah ku bilaabay, Xuseen Axmed Caydiid, sida uu noo xaqiijiyey wariyaha gobolka Togdheer uga soo warrama Himilo oo xilligaas ku sugnaa goobta wasiirka lagaga mudaharaaday.
Wariyuhu waxa uu intaas ku daray inay dadweynuhu wasiirka ka dalbanayaan inuu wax ka qabto dhibaato ka haysata garsoorka gobolka.
Nin magaciisa ku sheegay Warsame oo wariyaha la hadlay ayaa sheegay, ''Waxaan ka cabanayaa maxkamadaha Burco, Guri dhaxal ah oo aanu isku haysano ayuu xayiraaddii u diiday,” ayuu yidhi Ninkani.
“Waxaaanu wasiirka ku leenahay naga beddel garsoorayaashan mid waa cayn ee naga bedel,miyaa la qabtaan wasiir. Sideed iyo Toban sano ayaan maxkamada ku jiray oo cadaalad daro iga haysatay,” sidaas waxa wasiirka u sheegay nin oday ah oo ka mid ah dadkii wasiirka u cawday.
Sida uu wariyuhu sheegay, Wasiir Cadaaladda Somaliland wax jawaab oo qancisay dadweynihii cabanayey uma sheegin, isagoo ku dooday in beddelka Garsooreyasha Gobolku aanay dhaqaale ahaan xilligan suurto gal ahayn.
“Haddii aan kuwan beddelno oo aan keeno qaar gobollo kale ka yimi, taasi waxba kordhin mayso oo Nin Garsoore ah oo Gobolka aan u dhalan oo reerkiisii aanu degenayn haddii aan keeno dhibaato ayay keenaysaa,” ayuu ugu jawaabay dadweynaha Wasiir Xuseen Axmed Caydiid oo ku dooday in garsooraha laga soo beddelo gobol kale aanu dhaqaale ahaan awoodayn inuu noloshiisa daboolo marka la eego mushaharka uu qaato aanu ku filnayn.
Si kastaba ha ahaatee maxakamadaha saddexda derejo ee Gobolkan Togdheer, waxa buux dhaafiyay kiisas in badan hor yaalay iyo kuwo Fulintoodu u hadhsan tahay oo aan wax talaabo ah laga qaadin, taas oo qayb weyn ka noqotay cabashada shacbiga ee Wasiirku la kulmay oo ah caqabad ay ka siman yihiin shacabka gobollada dalka.
Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa marar badan ballan-qaaday inuu wax ka qabanayo tabashada dhinaca garsoorka oo ah ballan-qaadyadii ugu waaweynaa ee uu madaxweynuhu u sameeyo shacabka xilligii uu mucaaradka ah iyo markii uu talada dalka la wareegayba, balse dhacdada shalay Wasiirka ku qabsatay Burco, ayaa sawir tusaale u noqonaya tabashooyinka ka jira garsoorka ka bixinaysa heerka ay wali gaadhsiisan tahay kalsooni-darrada shacabku ka qabaan nidaamka garsoor ee dalka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment