Marti-qaadka Casho-sharafta ah ee Wasiirku u sameeyey Qurbejoogga oo habeen hore ku qabsoomay Hotel Crown ee magaalada Hargeysa, waxa sidoo kale ku lammaannaa kulan qaadhaan loogu ururinayey dhismaha waddo laami ah oo isku-xidhaysa magaalooyinka Alleybaday iyo Arabsiyo, taas oo dhererkeedu dhan yahay 50KM, isla markaana dhismaheedu xilligan socdo.
Guddoomiyaha Guddiga Dhsimaha Waddada Alleybaday oo ugu horeyn ka hadlay munaasibadda, ayaa qurbejoogga madasha ku sugnaa uga warbixiyey marxaladiihii ay u soo mareen dedaalladii lagu bilaabay dhismaha waddada iyo heerka ay wakhtigan marayso, waxaanu ugu baaqay inay qurbejoog ahaan kaalintooda ka soo qaataan dhismaha waddada oo xilligan dhismaheeda lagu gudo-jiro.
Xubno ka mid ah Qurbejoogga wasiirku marti-qaaday oo iyaguna ka hadlay munaasibadda, ayaa ballan-qaaday inay ka hawl-gali doonaan sidii ay qurbejoogga kale ee dalka ka maqan ugu boorrin lahaayeen inay ka qayb-qaataan qaadhaanka dhismaha waddada, waxaanay sheegeen inaanay ahayn waddo cid gaar ahi leedahay balse ay wadaagaan bulshada Somaliland.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment