Wiil 9-Sano jirey, isla-markaana ku dhashay dhego la’aan, ayaa qalliin lagu sameeyey kadib loo sameeyey dhego u eg kuwa qofka dhegaha ku dhasha.
Wiilkan oo u dhashay dalka Ingiriiska, isla-markaana magaciisa lagu sheegay Kieran Sorkin, ayaa dhashay isagoo aan lahayn Haragii qoolaabnaa ee daloolka dhegaha dushooda saarnaa, balse waxa uu lahaa daloolka oo kaliya, isagoo si caadi ah wax u maqli jirey.
Qaliin loogu sameeyay Isbitaal lagu Magacaabo Great Ormond Street ayaa wiilkan waxa loogu sameeyay qaliin loogu abuuray dhego, waxaana dhegaha wiilkan looga abuuray Feedhihiisa sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.
Kieran Sorkin ayaa waxa laga soo saaray carjawda lix feedhood, oo inta la soo gooyay laga sameeyay dhago, waxaana dalka Ingiriiska Muddo sanad ah ku dhashay caruur gaadhaya 100- kuwaa oo qaarkood aan dhego laheyn halka kuwa kalana ay leeyihiin kaliya hal dheg oo kaliya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment