Saturday, August 16, 2014

Xukuumadda oo Wax-qabadkooda u soo bandhigtay Qurbe-jooggii ugu tirada badnaa ee goob dalka gudihisa ah laysugu keeno

Hargeysa, 16 August, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Kulmiye ee uu hoggaamiyo Madaweyne Axmed Maamed Maamuud (Siilaanyo), ayaa waxqabadkeeda u soo bandhigtay qurba-jooggii ugu tirada badnaa ee goob dalka gudihiisa ah ah laysu keeno oo ay marti-qaad u fidisay.

qurba-joogga-iyo-xukuumaddaXaflad soo dhawayn Madaxweyne Siilaanyo sannadkiiba mar u sameeyo qurba-joogga dibadda ka soo noqda oo lagu qabtay hoolka wayn ee huteelka Guleed ee caasimadda Hargeysa habeen hore, kana qaybgaleen qurba-joog tiradooda lagu qiyaasay ilaa 3000 qof (saddex kun), ayaa xukuumaddu mid mid ugu akhriday qodobadda waxqabadka ay dalka ka hirgelisay muddada afarta sanno ah ee ay talada waddanka haysay.

“Xukuumaddani muddadii afarta sanno ahayd ee aynu ka soo gudubnay wixii ay qabatay natiijadii ka soo baxday waxa ay noqotay, horumar iyo waxqabad muddo gaaban qarankan u keenay isbeddelo siyaasadeed iyo dhaqaale. Kor-u-qaadida dhisme hay’addo dawladeed oo sal-adag ku taagan, kor-u-qaadida adeegyada bulshada, abuurida kaabayaal dhaqaale, daryeel tayeyn shaqaale iyo derajo ciidan, amniga qaranka guud, gogol-walaalnimo, maamul-fidin, abuuridda iyo midaynta xoogga ummaadda iyo xukuumadda oo dhinaca wax wadaqabsiga u dhaqaaqday, soo celinta haybaddii dawladnimo iyo dejinta siyaasad dibadeed oo leh ujeeddooyin iyo hadaf beesha caalamka lagu gaadhsiinayo qadiyadda qaranimo ee dadka reer Somaliland ay leeyihiin,” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo qurba-joogga la casuumay u sharraxayey waxqabadka xukuumadda.

Waxaannu intaa ku daray, “Intaasi oo waxqabad oo raacaya dariiq qeexan iyo hoggaamin ay u dejisan tahay halka loo socdo iyo halkii laga yimi ayaa qarankan ka dhigay dal iyo dad u jehaystay xagga horumarka deganaanshiyaha iyo rejo ku dhisan waxaynu qabsanaa inay jawaab u tahay gaadhida himilada qarankani uu ka leeyahay beesha caalamka.”

Waxa kale oo xafladdaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Ciise (Xagla-toosiye), Wasiirka Wasaaradda Degaanka Marwo Shukri Xaaji Baandare, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Shukri Xariir iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis, kuwaas oo erayo soo dhawayn ah ku qaabilay qurba-joogga, horumarku waddanku gaadhay iyo waxyaabaha loo baahan yahay si loo sii horumariyo.

Xubno ka mid ah qurba-joogga oo halkaasi ka hadlay, ayaa ka mahadceliyey soo dhawaynta iyo sharfitaanka loo sameeyey, iyaga oo ka warramay waxyaabaha ay dalkooda hooyo ku arkeen iyo kaalinta ay ka qaadan karaan horumarintiisa.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment