Friday, September 5, 2014

82-Tagriibe Oo Laga Badbaadiyey Xeebaha Dalal Yurub ah

Stanbul:Sep,05,2014(Himilo)-Tahriibayaal Qaaradda Afrika kasoo jeeda, ayaa laga badbaadiyey xeebaha dalka Turkiga xilli ay kusii jeedeen Dhinaca Dalka Romania.

doontaydaTahriibayaasha oo ka koobnaa 82 ruux ayaa la sheegay inay ka koobnaayeen dad kasoo kala jeeda Afganistan, Syria, Somalia iyo Rian, waxaana ku jiray 15 caruur ah iyo 20 haween kuwaasi oo laba kamid ah ay xaamilo ahaayeen.

Doonida ay dadkaasi la socdeen oo 15 Meter ah ayaa la sheegay in loogu talo galay qiyaas ahaan 50 ruux oo kaliya, laakiin ay dadka ku badnaayeen doontaasi, sida warbaahinta ay baahisay.

Kadib markii laba Maalmood ay ahaayeen cunto la’aan iyo biyo la’aan, ayaa la sheegay in dadka tahriibayaasha in dab ay markabka ka dhex shidaan si taageero ay u helaan, taasi oo dhalisay in ciidamada ilaalada badda ay gurmad u fidiyaan.

Tahriibayaasha ayaa la sheegay in kadib ay heleen cunto biyo iyo caawinaad caafimaad, laakiin ciidamada booliska ayaa wali raadinaya kabtankii go’doomiyay tahriibayaashaasi.

Tirada muhaajiriinta dooneysa inay gaadhaan wadamada deriska la ah dalka Turkey ayaa sii kordhaya, iyadoo ay ugu wacan tahay ka gudubka xuduuda oo ah mid sahlan, waxaana tahriibayaasha katar ay naftooda u geliyaan biyaha Giriiga.

 

Sanadkan oo kaliya ciidamada ilaalada xeebaha ayaa badbaadiyay 7,540 ruux oo tahriibayaal ah kuwaasi oo dooni kaga sii gudbaya Giriiga, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha gobolka Izmir.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment