Thursday, September 4, 2014

Dagaal Laba Haween Ah Hawada Sare Ku Dhex Maray Oo Sababay Inay Degdeg U Fadhiisato Dayuuradii Ay Saarnaayeen

Dayuurada magaceeda la yidhaa Delta Airlines ayaa hal mar hakisay duulimaad hawada sare ah iyadoo si lama filaan ah uso fadhiisatay garoon aan ahayn kii ay ku jihaysnayd kadib markii dayuurada oo hawada sare ku jirta ay isku dileen laba haween ah oo ka mida rakaabkii saarna diyaaradaasi.
Arrintan ayaa toddobaadkan ka dhacday gobalka Florida ee dalka maraykanka waxaana labadan dumar ahi ay isku af-dhaafeen gudaha dayuurada iyada oo dayuuraduna ay ku guda jirto duulimaadkeeda oo kasoo kicitimay deegaanka LaGuardia oo ka tirsan magaalada new york waxaanay u jihaysnayd Palm Beach Airport ee gobalka florida, waxaana labada dumar ahi ay is dagaaleen kadib markii ay ku murmeen kuraasta dayuurada oo cidhiidhi ku noqday awgeed.
Labadna dumar ah ayaa isku qabtay kuraasta iyadoo mid ka mida ay damacday inay qabsato kursi kuwa faalalka ama firaaqada leh si ay jaanis ugu hesho inay ku jiibsan karto maadaama oo duulimaadka dayuuradu ahaa mid saacado badan qaadanaya, halka gabadha kale lafteedu oo iyana ka ag dhawayd ay damacday inay iyana qabsato kursiga miiska wata ee haweenayda kale ay rabto, waxaana markii muddo hadalka ay isku celceliyeen ayey arrintu isku badashay gacan ka hadal xoogan kaasoo ay maarayn kari waayeen shaqaalihi iyo rakaabkii kale ee dayuurada saarnaa badi waxaana ay arrintaasi keentay in markiiba go’aan deg deg ah uu qaato bayloodka dayuurada waday.
Bayloodka dayuurada ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu soo gaabiyo duulimaadka dayuurada isagoo dayuurada ku jiheeyay mid ka mida garoonadi ugu dhawaa kadib markii ay labada haweeen ah dagaalkoodu sii adkaaday, waxaana markii ay dayuuradu soo caga dhigatay dhabada dayuuradaha markiiba labadii dumar ahaa loo gudbiyay ciidamada amaanka oo iyaguna muddo ku hakiyay xarunta booliska si kiiskooda loo qaado, waxaana rakaabkii kale ee dayuurada si caadi ah loogu sii waday duulimaadkooda iyo deegaankii uu ku jihaysnaa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment