Wednesday, September 17, 2014

Axsaabta Mucaaradka oo Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye ku eedeeyey inay ku Wacad-fureen Wada-hadallo shalay loo ballansanaa

Hargeysa, 17 Sept, 2014 (Himilo)- Labada Xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID, ayaa sheegay in xukuumaddu kaga baxday kulan ay shalay gelinkii dambe u ballansanaayeen, kaas oo ay kaga wada-hadlayeen khilaafka ka taagan diiwaangelinta Madaniga ah oo qaabka loo hirgelinayo iyo qodobbo ku xusan xeerka diiwaangelinta ay axsaabta mucaaradku ka biyo-diideen.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiyada UCID iyo Waddani, ayaa maalintii Isniinta ee dorraad shaaciyey inay isla afgarteen xukuumadda xalinta caqabadaha ku gedaaman diiwaangelinta Madaniga ah oo ay labada xisbi qaaddaceen, ka dib kulan dhexmaray hoggaanka xisbiyada iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda, iyaga oo sheegay inay kulan arrintan lagaga wada-hadlayo u ballansan yihiin maalinimada Salaasada ee shalay.

xisbiyadaXoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde iyo ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo xalay fiidnimadii warbaahinta kula hadlay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa oo ay ku sugnaayeen isla markaana ahayd goobta loogu ballansanaa kulanka baaqday oo dhexmari lahaa wasiirro xukuumadda ka tirsan iyo hoggaanka labada xisbi, ayaa sheegay inay

“Waxa la wada-ogaa oo dadweynaha reer Somaliland ka war-hayeen in wada-hadallo ay u socdeen xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka ah, maantana ay ahayd markii arrinta la soo gebo-gabayn lahaa oo shantii galabnimo, waxay noo sheegeen (Xukuumadda) in arrintii loo wareejiyey xisbiga Kulmiye. Xisbigii Kulmiye iyo xukuumaddii midna muu imanin, labada xisbina ilaa Shantii galabta waxay joogaan halkii ballantu ahayd.”

“Aad iyo aad baanu uga xunnahay, waxaanu doonaynayna waxay ahayd in dalka si nabadgelyo ah doorashadu uga dhacdo, diiwaangelinta Madaniga ahina ay qabsoonto,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Waddani, isaga oo intaas ku daray inay war-saxaafadeed tifaftiran kaga hadli doonaan go’aanka ay xisbi mucaarad ahaan ka qaadan doonaan.

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax, ayaa sheegay inay xisbiyada mucaaradku mowqif midaysan ka qaadanayaan xaaladda wakhtigan taagan ee is-afgaran-waaga ka dhex-abuuray labada xisbi Qaran iyo Xukuumadda.

“Ballantu maanta (shalay) ayay ahayd sidaanu hore u sheegnay. Waxay ahayd inaanu si wada-jir ah qodobbada Xeerka diiwaangelinta ku jira inaanu is-faham guud ka samayno oo wuxuu u baahan in la xalilo aanu xalinno ayay ahayd. Laakiin wasiirradu waxay nagu soo war-galiyeen oo ay yidhaahdeen waxa idiin imanaya hoggaanka xisbiga Kulmiye, labadoodiiba ma hayno. Anaguna waanu gaadhnay Axsaab Mucaarad ahaan inaanu dib isugu noqonno, wixii aanu yeelayno, talada aanu ka qaadanayno iyo wixii aanu ku tashanaynoba, mucaarad ahaanna aanu mawqif cad is-taagi doonno,” ayuu yidhi Cabdinaasir Yuusuf Qodax. Waxa uu sheegay inaanay Axsaabta Mucaaradku diiddanayn hirgelinta Diiwaangelinaha Madaniga iyo codbixiyeyaasha balse ay ku dheggan yihiin in la fuliyo heshiisyo beesha Caalamku goob-joog ka ahayd oo Axsaabta, Xukuumadda iyo Guddiga Doorashooyinku kala saxeexdeen, kuwaas oo mucaaradku ku doodayaan inay xukuuumaddu ka baxday heshiisyadaas.

Dhinaca kale, hoggaanka Xisbiga talada dalka Haya ee Kulmiye oo aanu Xalay isku-daynay inaanu dhinacooda wax ka weydiinno, ayaan noo suurta-galin ka dib markii aanu Guddoomiyaha Kulmiye oo telefonkiisa gacanta ka wacnay uu nagu jaray tiraba dhowr jeer.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancadde oo aanu khadka telefonka kala xidhiidhnay, ayaan noo suurto-galin inaanu helno.

HIMILOMEDIA.COM

No comments:

Post a Comment