Wednesday, September 17, 2014

Scotland oo Khamiista Afti ay UK kaga go’ayso loo qaadayo, Heshiis Xisbiyada Ingiriisku saxeexeen iyo Dhawaaqa Cameron

London, 17 Sept, 2014 (Himilo)- Hoggamiyayaasha saddexda Xisbi-Siyaasadeed ee ugu weyn waddanka Britain, ayaa Saxeexxay heshiis dhigaya in awood dheeraad ah la siiyo Scotland, haddii Cod-bixiyeyaashu aftida dhaceysa maalinta Khamiista ee toddobaadkan ku diidaan ay Madax-bannaanida ay Scotland ku doonayso inay kaga madax-bannaanaato oo ay gooni uga istaagto waddanka Midawga Boqortooyada Britain (UK).

Heshiiskan, ayaa waxa uu ballan-qaadayaa in Baarlamaanka Scotland la siinayo awoodo cusub oo joogta ah iyo in sidoo kale ay maamulayaan dhaqaalaha adeegga caafimaad ee dalka, isaga oo Raysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameron, uu sheegay inaanay Scotland iyo inta kale ee Britain kala maarmi karin marnaba, isla markaana uu codsanayo inay ka mid ahaato Scotland UK.

SCOTLANDDadka u ololeynaya madax-bannaanida ayaa ku doodaya in sida keliya ee Scotland ay ku heli karto awood buuxda ay tahay in shacabku ay u codeeyaan madax-bannaani oo dadka afti laga qaado. Haddaba, su’aasha ayaa ah awood intee dhan ayuu leeyahay Baarlamanka immika jira ee Scottland, maxaase is-baddeli oo dhici kara haddii Scottland ay madax-bannaani hesho?

Xilligan la joogo:

Xilligan la joogo, dhaqaalaha laga helo cashuuraha Saliidda Badda Waqooyi (North Sea) ee Scotland waxa loo diraa Waaxda Maaliyadda ee magaalada London. Dawladda UK ayaa sidoo kale waxa ay maamushaa Wershadaha Saliidda, gaar ahanna dhanka lahaanshaha, qalabaynta iyo dhuumaha qaada Saliidda. Scotland waxa ay iyadu awood u leedahay sharciyadda dhanka deegaanka sida in ay sameyso higsiga dhanka is-beddelka Cimilada. Dawladda Britain waxa ay maamushaa dhalinta iyo qaybinta quwadda korontada.

Madax-bannaani ka dib

Dawladda Scotland waxa ay ku qiyaaseysaa cashuuraha Saliidda Badda Waqooyi (North Sea) inta u dhaxeysa £6.8 Bilyan illaa iyo £7.9 Bilyan muddada u dhaxeysa sannadka 2016-ka illaa 2017-ka. Waxaanay sheegeysaa in dhaqaalahaasi loo ageedsan karo mustaqbalka dambe iyo in bulshada ay ka faa’iideystaan dhaqaalahan.

Scotland waxa ay noqoneysaa suuqa keliya ee dhanka korontada. Waxa ay sidoo kale sameynaysaa Sanduuq dhaqaale oo dhanka korontada ah, waxaanay ballan-qaadday in aanay wax is-beddel ah dhaqaalaha Saliidda iyada oo aan wada-tashi ka sameyn. Dawladda Scotland waxa ay sheegeysaa in aanay jirin qorshe lagu kordhinayo cashuuraha dhanka wax soo-saarka Saliidda dhulkeeda.

Haddii Madax-bannaani la waayo?

Xisbiyada Siyaasadda ee doonaya Midnimada iyo inay Scotland ka sii mid ahaato Midawga Boqortooyada Britain, ayaa waxa ay ku doodayaan in Suuqa Saliiddu aanu cago adag ku taagnayn, sidaas awgeedna wax dheeri ah aanay helayn Scotland.

Xisbiyada Siyaasadda:

Xisbiga shaqaalaha waxa uu leeyahay cashuuraha Saliidda waa in ay sii jirto, balse sicir aad u yar oo cashuur ah laga qaado deegaannada Miyiga ah. Waaxda Maaliyadda ee London waa in ay la shaqaysaa dawladaha hoose ee Jasiiradaha si loo taageero horumarinta quwadda korontada ee dib loo cusboonaysiin karo iyo horumarinta tamarta heerka Qaran.

Xisbiga Muxaafidka ahi waxa uu leeyahay waa in ay jirtaa, isla Xisaabtan dhaqaale si wax looga qabto fikradaha khaladka ah ee ku saabsan dakhliga ka soo xarooda cashuuraha Saliidda Scotland. Xisbiga dimuquraaddiga ah, ayaa sidoo kale, isaguna sheegaya in cashuuraha dhanka Saliidda loo maareeyo sidii hore.

Dhawaaqa Raysal-wasaare Cameron:

David-Cameron-460_1001511c-11Raysal-wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska (UK), David Cameron, ayaa sheegay inaanay wax la jeclaan karo ahayn, isla markaana ay tahay caqabad soo food-saartay Midawga Boqortooyada Britain inay ka go’do Scotland, waxaanu dadka u ololaynaya inay gooni u istaagto Scotland ugu baaqay in aanay kala kaxaynin Hooyo iyo Wiilkeed, Ayeeyo iyo Inanteed, Aabbo iyo Hooyo, maaddaama hal dal iyo hal dad oo midaysan hadda la yahay.

No comments:

Post a Comment