Addis Ababa/Muscat, 16 Sept, 2014-(Himilo)- Dalka Somaliland oo ka mid ah waddamada Allah ku mannaystay Buuraha sida sahlan Sibidhka iyo noocyada Istanbarka ama Rijinka looga samayn karo, keliyana u baahan Wershad Farsamaysa, ayaa ka arradan Nimcada Allaah siiyey ee ay hodanka ku tahay, isla markaana ah dal waddammo dibedeed ay sannad walba ka macaashaan Malaayiin Doollar oo lagaga qaado soo iibsiga iyo u soo dhoofinta Sibidhka.

Dakhligan oo ka sarreeyey kii sannadkii ka horreeyey, ayaa lagu sheegay inuu ka soo baxay dhoofinta Badeecadaha Sibidhka iyo qalabka Wershaddu ku jiraan sida Solomon Yohannes oo Agaasime ka ah Machadka Dhismaha iyo Kiimikada uu u sheegay Wargeyska Waltainfo.
Sibidhka ayaa lagu sheegay in waddamadda ay Itoobiya u dhoofiyaan ka mid yihiin dalalka jaarkooda sida Djibouti, Kenya, Somaliland iyo Koonfurta Sudan, siduu sheegay Agaasimuhu. Sida laga soo xigtay Solomon, qorshaha waxa ugu jira inay ka helaan dakhli gaadhaya 15 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah dhoofka Sibidhka Miisaaniyad-sannadeedkan. Waxaanay dawladda Itoobiya shaacin Dakhli Malaayiini Doollar ah oo ay ka hesho Qaadka ay u soo dhoofiso Somaliland oo isagu ah ka ay lacagta ugu badan ee Somaliland ku baxdo, una xerooto Itoobiya.
Inkasta oo dhinaca Somaliland aan weli macluumaad laga hayn xaddiga Sibidhka Itoobiya ee dalka soo gala iyo dakhliga cashuurta ka soo xeroota, haddana waxay nasiib-darro ku tahay in dalka oo qaniimado Sibidhku ka mid yahay Illaahay ku mannaystay, lagu guul-darraysto in la helo Wershad lagu farsameeyo oo dakhli iyo fursado shaqo-abuur sameeya.
Geesta kale, Shirkadda ugu weyn dalka Cumaan ee soo saarta Sibidhka, ayaa maal-geshi ku kacaya Malaayiin Doollar ku samaynaysa Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland.
Shirkaddan oo lagu magacaabo Raysut Cement, ayaa Axaddii todobaadkan Heshiis Terminal Cusub lagu kordhinayo Dekedda Berbera iyo Bakhaaro lagu keydiyo Sibidh dalkaas laga soo waarido la saxeexatay shirkad lagu magacaabo Barwaaqo Cement oo Somaliland laga leeyahay, kaasoo loogu talo-galay inuu gaar u noqdo soo-dejinta Sibidhka ay soo saarto Shirkadda reer Cumaan oo marka Somaliland laga yimaaddo loogu talo-galay inay noqoto xarunta Keyd u ah Ganacsiga Sibidhka waddamada Geeska Afrika.
Heshiiskan oo ka dhacay Caasimadda dalka Cumaan ee Muscat, waxa goob-joog ka ahaa, isla markaana labada dhinac u saxeexay Guddoomiyaha Shirkadda Raysut Cement Eng. Salid Bin Alawi Bin Mohammed Baabood iyo Guddoomiyaha Shirkadda Barwaaqo Cement Ismaaciil Siciid Xuseen, sida ay baahisay Jariiradda Muscat Daily.
“Sida heshiisku yahay, qayb cusub oo laga dejiso Sibidhka, isla markaana lagu qaybiyo lagu kordhin doonaa Dekedda Berbera, iyada oo la isticmaalayo farsamadii ugu dambeysay ee keydinta Sibidhka oo loo samayn doono goob lagu keydiyo 12,000 Tan.” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Shirkadda reer Cuman oo Wargeyska u warramay. Guddoomiyaha Shirkadda Raysut Cement, waxa uu sheegay in maal-gashiga mashruucan ay ku kici doonto lacag dhan 7.5 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah.
Hase-yeeshee, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dawladda Somaliland, gaar ahaan Maamulka Dekedda Berbera iyo Shirkadda Barwaaqo Cement, oo ka hadlaya heshiiska lala galay Shirkaddan laga leeyahay waddanka Cuman.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Md Muuse Qaasim aanu xalay khadka telefonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga weydiinno heshiiska dhexmaray labada shirkadood iyo doorka ay xukuumad ahaan ku leeyihiin, ayaan noo suurta-gelin inaanu helo, ka dib markiii uu naga qaban-waayey telefonkiisa gacanta oo tiraba dhowr jeer ka garaacnay.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment