“Si dalka ay uga qabsoonto doorasho xor ah oo xalaal ah islamarkaana aan loo carqaladayn Diwaangalinnaha, waxaanu isla qaadanay in…..” Xoghayaha Guud ee WADDANI
Hargeysa, 16 Sept, 2014 (Himilo)- Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta isku-soo horfadhiisanaya wada-hadal ay ka yeelanayaan khilaafka ka aloosan diiwaangelinta Madani ah oo labada xisbi ee Waddani iyo UCID dhowaan qaaddaceen, ka dib markii ay xukuumadda ku eedeeyeen inay ka baxday heshiis beesha caalamku goob-joog ka ahayd oo lagu go’aamiyey hirgelinta labada diiwaangelinood ee Codbixiyeyaasha iyo Muwaadiniinta.


Masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka oo shalay warfidiyeennada kula hadlay Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday inay Xukuumadda iyo axsaabta mucaaridka ahi si wada jir ah uga wada-hadli doonaan dhammeystirka Khilaafka Diiwaangelinta Madaniga ka taagan.
Xoghayaha Xisbiga UCID Cabdinaasir Qodax oo sharraxaad ka bixiyey wada-hadallada u furmaya Xukuumadda, waxaana hadalladii ka mid ahaa, “Waxaanu halkan iskugu nimid inaanu caddayno in labada Xisbi Mucaarad iyo xubno ka mid ah Wasiiradu oo wasiirka Arimaha gudaha iyo wasiirka Madaxtooyada ay noo socdeen wada-hadal oo aanu ka wada hadlaynay sidii qodobo ka mid ah Xeerarka Diiwaangalinta loo samayn lahaa Is-fahan guud, imikana Insha Allah waxaanu kulmi doonaa Bari,” ayuu yidhi Xoghaye Qodax oo intaas ku daray in wada-hadallada ay la fureen xukuumaddu aanay waxba ka beddelin go’aankii hore ay ugu qaaddaceen diiwaangelinta Madaniga ah ilaa ay xukuumaddu isku af-garanayaan xalka khilaafka taagan.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa guul ku tilmaamay wada-hadalka u bilawday labada dhinac, isagoo turxaan bixinta arrimaha jirana ku sifeeyey mid dalka u horseedi karta Doorasho lagu wada qanacsan yahay,
“Si dalka ay uga qabsoonto doorasho xor ah oo xalaal ah islamarkaana aan loo carqaladayn Diwaangalinnaha, waxaanu isla qaadanay in xal laga gaadho oo Xisbiyada iyo xukumadda oo isku dhan ay danta qaranka meel uga soo wada jeestaan,” ayuu yidhi Xoghaye Maxamed Uurcadde.
Heshiiska ku saabsan wada-hadalka dib-u-eegis lagu sameeyo Xeerka diwaangalinta Madaniga ah oo xisbiyada Mucaaradku ka biyo-diideen qaabka ay xukuumaddu u waddo inay dalka uga qabato oo ay ku tilmaameen mid aan ku jirin heshiis hore u dhexmaray, ayaa ka dambeeyay kulan dhexmaray Hogaanka labada Xisbi mucaarad iyo Wasiirarada Arrimaha gudaha iyo Madaxtooyada oo Xukumadda metalayay, haseyeeshee ma jiro natiijo ka soo baxday kulankaas marka laga reebo in maanta loo ballansan yahay guda-galka in la naaqisho qodobbada xeerka ku jira ee is-fahan la’aantu ka taagan tahay.
Kulanka Maanta loo ballansan yahay, waxa ka qayb-galaya Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, UCID iyo Waddani halka xukuumada ay ka meteli doonaan labada wasiir. Waxa qaybaha siyaasadda kulanka ku wehelin doona laba Sharci-yaqaan oo ka saacidaya farsamada iyo arrimaha Xeerarka.
Mucaaridka Somaliland, ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay si wada jir ah u qaadaceen Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Codbixiyeyaasha oo Xeerarkooda oo mid laysaga dhigay loo gudbiyey Golaha Wakiillada, arrintaas oo shaki ku abuurtay Axsaabta Mucaaradka oo ku dooday in xukuumaddu uga faa’iidaysanayso dib-u-dhac ku yimaadda doorashada iyada oo diiwaangelinta codbixiyeyaasha lagu xidhay diiwaangelinta Madaniga ah oo maamulkeeda ay xukuumaddu gacanta ku haynayso, halka diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay khusayso Xisbiyada Siyaasadda iyo Guddiga Doorashooyinka.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa bogga uu ku leeyahay Internetka ku sheegay in ay xukuumad ahaan wad-hadal lagaga doodayo khilaafka taagan ee Diiwaangelinta Madaniga ah la fureen Axsaab Mucaaradka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment