Tuesday, September 16, 2014

Wax ka Baro Qoysaska Ugu Maal-qabeensan Kenya ee Saamaynta ku leh Siyaasadda Dalkaas

Qoyaska ugu maal-qabeensan dalka Kenya, waxa ay taariikh ku leeyihiin siyaasadda dalokaas. Warbixin xambaarsan oo dhowaan ay shaacisay shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska, ayaa daboolka ka qaadday in qoysaska ugu maalqabeensan dalkaasi saamayn xooggan ku leeyihiin hoggaaminta siyaasadeed ee waddanka Kenya, iyada oo warbixintu xustay inay qoysaskani gacanta ku hayaan 50% maaliyadda iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee Kenya.
Qoyska uu ka dhashay madaxweynaha hadda Uhuru Kenyatta oo baal-dahab ah kaga jira taariikhda Kenya, ayaa la sheegay inay haystaan Adduun lacageed oo gaadhsiisan inta u dhaxaysa $100 milyan ilaa Kun Milyan ($1 bilyan). Jomo Kenyatta oo ah aabaha dhalatay madaxweynaha immika talada haya, ayaa ahaa aasaasihii dalka Kenya xoriyaddiisa ka dib dhidibbada u taagay nidaamka siyaasadeed iyo haykalka dawladnimo.
Sida warbixinta lagu sheegay qoyskani waxa ay gacanta ku hayaan isla markaana ka ganacsadaan Baananka, Dalxiis, shirkadaha diyaaradaha, Waxbarashada, Caymiska, isgaadhsiinta, Caanaha Lo’da, Macdanta, Tamarta iyo Shirkadaha Dhismayaasha. Haseyeeshee, warbixinta laguma xusin hantida uu gaarka u leeyahay madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Waxa kale oo qoysaska maal-qabeennada ah ee saamaynta ku yeeshay siyaasadda dalkaas ka mid ah madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arab Moi oo muddo 24 sanno ah soo hayay madaxtinimada dalkaas.waxay warbixintu sheegtay inay Qoyska Moi ay leeyihiin lacag gaadhaysa ballaayiin Dollar oo Shilinka Kenya ah. Waxa ay si xooggan maalkooda u galiyeen Caymista, Warbaahinta, Warshada, Diyaaradaha, Gaadiidka, Dalxiiska iyo Kalluumaysiga.
Prof George Saitoti oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii ugu muddada dheeraa wakhtigii dawladdii Daneil arab Moi, balse sannadkii 2012 ku geeriyooday Shil-diyaaradeed, ayaa qoyskiisu ka mid yihiin shakhsiyaadka ugu maalqabeen ee taariikhda ku leh siyaasadda dalkaas, waxaanu si xooggan u maal-gashaday dhinaca Real Estate-ka, Hudheellada iyo Dalxiiska. Waxa hantida uu ka tagay lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 30 ilaa 100 Milyan oo Dollar.
Nicholas Biwot oo muddo 28 sanno ah ka tirsanaa baarlamaanka Kenya isla markaana la soo shaqeeyey saddexdii madaxweyne ee ka horeeyey hoggaamiyaha wakhtigan talada haya, waxa siyaasi haddana ganacsade ah oo si weyn looga yaqaano Kenya. Waxa uu ka ganacsadaa Tamarta, Macdanta, Isgaadhsiinta, Dalxiiska, Beeraha iyo Bangiyada. Waxa hantidiisa lagu qiyaasaa $100 million to $1 billion.
Waxa kale oo liiskan ku jira John Michuki oo tiraba dhowr jeer xilal kala duwan ka soo qaybtay dawladdii Kibaki, ayaa hantidiisa lagu qiyaasaa $30 milyan ilaa $100 Milyan, waxaanu maalgashi ku sameeyey dhinaca dalxiiska, beeraha iyo Real Estate-ka.
Qoyska uu ka soo jeedo raysalwasaarihi hore ee dalkaa Raila Odinga, waxa ay taariikh Qani ah ku leeyihiin siyaasadda dalkaas.Raila Odinga Aabihii oo la odhan jiray Jaramogi Oginga Odinga, ayaa noqday madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyey ee Kenya ka dib markii uu dalkaasi xornimada ka qaatay Ingiriiska. Qoyska Odinga waxa ay ka ganacsadaan Shidaalka, Wershadaha iyo Beeraha.
Sidoo kale, madaxweynihi hore Mwai Kibaki, ayaa liiskan ku jira, waxaanu maalgashi ku sameeyey dhinacyada dalxiiska, beeraha, isgaadhsiinta, bangiyada iyo shirkadaha dharka xayaysiiya.
Himilomedia.com
Hargesa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment