Natiijada kama dambeysta aheyd ee codeynta ayaa muujineysa in dadka diidan in Scotland ay go’do ay heleen 55%, halka dadka taageersanaa inay go’aan ay heleen %45.
Wasiirka Koowaad ee Scotland Alex Salmond ayaa ugu baaqay qeybaha kale inay midoobaan, isagoo aqbalay natiijada codeynta ee ah inaanu Gobolkaasi rabin gooni isu taag.Mr Salmond ayaa u ololeynayay inay Scotland ka go’do Britain inteeda kale, balse uu sheegay in laga guuleystay, isla markaana uu raali ka yahay natiijada soo baxday.
Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay natiijada codeynta, isagoo shacabka Scotland ee go’aansaday inay ka sii mid ahaadaan Britain u hambalyeeyay.
Natiijada codeyntan ayaa u dhacday in dadka diidanaa inay Go'do Scotland ay helaan %55, halka kuwii taageersana ay heleen %44.
Hadii Scotland ay ka go’i laheyd Britain ayaa waxay taariikhda noqon laheyd markii u horeysay muddo 300 oo sano oo mid ka mid dalal ku midoobey Britain oo go’da.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment