Hargeysa, 13 Sept, 2014 (Himilo)- Wasaaradda Duulista iyo Hawada ee Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay madaarka caalamiga ah ee magaalada Hargeysa ka bilaabmeen daabulka Xujaajta reer Somaliland ee sanadkan soo gudanaya waajibaadka Xajka, kuwaas oo hormadii u horeysay shalay ka amba-baxeen Egal International Airport.
Duulimaadyadii u horreeyey oo ay saaran yihiin 350 qof oo Xujaaj reer Somaliland ah, ayaa shalay gelinkii dambe ka amba-baxay Madaarka Cigaal, waxaanay halkaas ka raaceen laba diyaaradood oo ay kala leeyihiin Shirkadaha Daallo Airlines iyo Jubba Airways oo si toos ah u gaynaya Magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga.
Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqa wakhtigan ee Madaarka Hargeysa iyo qaabka ay ugu diyaar-garoobeen inay daboolaan baahida dhinaca adeegyada rakaabka ka dhoofaya iyo kuwa ka soo dega Madaarka.“Waxaanu aad ugu faraxsanahay inaanu galabta (shalay gelinkii dambe) halkan ku sagootino dufcaddii ugu horaysay ee Xujaajta Sanadkan 2014-ka ka xajaysay Somaliland ee tagaysay guriga ILLAHAY, Xujaajtaasi waxay gaadhaysaa ilaa 350 qof, waxana qaadaya diyaaradaha Daallo Airlines iyo Jubba Airways. Duulimaadyadaasi oo ka kacaya garoonkeeda Cigaal International Airport toosna u tagaya magaalada Jida, iyaga oo aan meelna ku sii weecanaynin, runtii waa wax weyn oo ILAHAY loogu mahad naqo,” ayuu yidhi Wasiir Xaashi oo shalay warbaahinta kula hadlayey garoonka diyaaradaha Hargeysa oo uu goob-joog ka ahaa xujaajta ka dhoofaysay dalka.
“Sidoo kale, waxaanu bishan 9-aad ilaa bishii 6-aad ku mashquulsanyeyn inaanu soo dhawayno siina sagootino dadkii dalka imanayey wakhtiga Xagaaga, wali waxa socda noqoshada dadkaasi, waxaana noogu soo galay wakhtigii Xagaaga,” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Xaashi.
Wasiirka Duulista Hawada waxa uu ka warbixiyey isbeddelka ku yimi awoodda madaarku u leeyahay dhammaystirka adeegyada Rakaabka ka dhoofa iyo kuwa ka soo dega wixii ka dambeeyey dayac-tir iyo dib-u-habayn ballaadhan oo lagu sameeyey Madaarka.
Isaga oo Arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Dad badan ayaa garoonkan ka dhoofaya maalin walba, waxaana kordhay tirada dadka adeegsada tan iyo intii aynu furnay ee adeeggiisa aynu cusboonaysiinay, wax badan aynu ku kodhinay, waxa aanu shaki ku jirin in markasta oo aynu soo horumarino in dadka ka dhoofaa ay sare u kacayaan, bilihii Juun, July iyo August waxa Garoonka ka dhoofay dad gaadhay Todobaadtan kun oo qof, waxa aanu qiyaasaynayaa in bishaha May,iyo September oo imijka lagu jiro marka lagu daro ay tiradu gaadhi doonto Boqol iyo shan kun ilaa Boqol iyo Toban kun oo qof (105,000 ilaa 110.000) taasi waxay noqonaysaa in tirada dadka shan bilood madaarka Caasimada ka dhooftay ay gaadhayso wixii Somaliland oo dhan sannad ka dhoofi jiray, taasi waxay ka markhtaai kacaysaa marka Madaarrada la horumariyo inay dadka u sahalayso inay ka dhoofaan garoomada si sahlan.”
Wasiirka Duulistu Hawadu waxa uu jawaab ka bixiyey eedamo mucaaradku ugu jeediyeen wasaaradda Duulista saamayn kaga timi bulshada ku nool agagaarka Madaarka Hargeysa oo xayn-daabkiisa lagu wareejiyey deyr silig ka samaysan. Waxaanu yidhi, “Waa Nasiib-darro weyn in horumarkaasi dadka qaarkiis aanu deeqin oo ka xajiimoodaan. Waxaan si gaar ah u tilmaamayaa erayadii uu lahaa nin weyn oo maanta Ardaa dhig u ah inuu Qarankan iyo Umaddan hogaankeeda haaneedo, isagoo dhaliilaya xayndaabka iyo Siliga aanu garoonkan ku wareejinay, arrinkaas oo talaabo weyn iyo horumar qarankan u soo hoyday ah, amnigii iyo bad qabkii Madaarkana kor u qaaday, xaqiiqdii waxay ahayd talaabo xukuumaddani ku dhiiratay, oo Xukuumadii hore ku dhiiran waayeen.”
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray, “Dadka deegaanku bislayn weyn ayey muujiyeen. Waxaan ka xumahay in wixii ay dadka caamadu garatay inay rag waaweyn oo siyaasiyiin ahi oo indheer garo ahi ay garan waayaan, oo ay kala sooci waayaan. Xintanka iyo xifiltanka siyaasadu maaha inuu madax maro Xikmadda iyo xiska wanaagsan, waana nasiib darro, siyaasiyiinta bisil ee rug-cadaaga ku ah masraxa siyaasaddu waa kuwaas nooga garaanaba in aanu wax qabanay umaddu way nagu hambalyeysaa waanay nagu dhiiri galisayaa,” ayuu yidhi Wasiir Xaashi
Dhinaca kale, Dr Maxamed Cabdi Gaboose, Abwaan Maxamed Aadan Dacar iyo Sheekh Cabdilaahi Diiriye Sooraan oo ka mid ah Xujaajtii shalay ka dhoofay madaarka oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay si toos ah uga dhoofaan Madaarka.
“Waxaan ka mid ahay dadka galabta ka dhoofaya Madaarka Cigaal, waxaan u socdaa Xajkii, waxaan ILLAHAY ka rajaynayaa inuu naga aqbalo. Waxa ii muuqda dadaalo badan oo ay Hay’adda dawladdu samaayeen, waxan u rajaynayaa inay halkaas ka sii wadaan,” sidaa waxa yidhi Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo shalay ka dhoofay Madaarka Hargeysa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment