
Afhayaan u hadlay Ciidamada Badda Liibiya oo lagu magacaabo Ayub Qassem, ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in Doontaasi ku degtay meel ku dhaw Xeebaha Tajoura oo ku dhaw Caasimadda dalka Libiya ee Tripoli. Waxaana la aamminsan yahay inay Doontaasi degtay gelinkii hore illaa gelinkii dambe ee Maalintii Axadda ee toddobaadkan.
Ayub waxa uu sheegay in Meydad badan oo dadkaas 250-ka tiradoodu dhammayd ee Doonta saarnaa ah lagu arkay iyaga oo Badda dul-sabbaynaya oo Xeebaha qaarkood ka soo caaryey. “Waxa jira Meydad badan oo Xeebaha ka soo caaryey oo Biyaha Badda dul sabbaynaya. Keliya waxa nolol lagu badbaadiyey 26 qof,” ayuu yidhi Ayub Qassem.
Inkasta oo aan la caddayn weli dalalka ay u kala dhesheen dadkani, haddana waxa la aamminsan yahay inay Soomaaliyi ku jirto, maaddaama oo dalalka Muhaajirtiintu ka tegaan ee Afrika ay u badan yihiin, Soomaaliya, Somaliland, Itoobiya, Eritrea iyo dalal kale oo soo raaca kuwaas.
In ka badan Boqol Tahriibayaal Afrikaan ah, ayaa dabayaaqada Bishii aynu ka soo gudubnay ee August ee sannadkan ku dhintay Doon sidan oo kale ugula degtay Badda waddanka Libiya, kuwaasoo iyaguna beegsanayey Xeebaha Talyaaniga si ay ugu sii gudbaan dalalka Yurub.
Sidoo kale, Doon kale oo sidday Tahriibayaal ka soo kala jeeda dalalka Afrika iyo Bariga dhexe oo maalmo ka hor ka shiraacatay Xeebaha dalka Masar, taasoo ay saarnaayeen dad illaa shan boqol oo ruux ah, ayaa iyaguna ku degay Badda dhexdeeda, sida ay xaqiijiyeen Laba qof oo u dhashay dalka Falastiin oo iyagu ka badbaaday inay ku dhintaan Badda, isla markaana gaadhay Talyaaniga.
Waxay sheegeen labadan qof ee u dhashay Falastiin ee badbaaday in muran ka dhex dillaacay tahriibayaasha iyo tahriibiyeyaasha Doonta watay, ka dib markii ay tahriibyeyaashu isku dayeen inay dadka Doon ka yar ta ay saarnaayeen ku wareejiyaan, tahriibayaashuna diideen, ka dibna ay Quusiyeen Doonta oo sidaas lagu halligmay.
Afhayeen u hadashay Hay’adda Qaxoontiga Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNCHR, ayaa sheegtay in sannadkan aynu ku jirno ee 2014-ka ay dalalka Yurub gaadheen illaa boqol iyo soddon kun (130,000) oo qof oo Tahriibayaal ah oo ka tegay dalalka Qaaradda Afrika iyo Bariga dhexe. Hase-yeeshee, waxay Afhayeenku sheegtay in la waayey oo la aamminsan yahay inay Badda Liibiya iyo Talyaaniga u dhaxaysa ku dhinteen illaa laba kun iyo shan boqol (2500) oo Tahriibayaal Afrikaan iyo Carab isugu jira oo Afrikaan u badan.
Inta badan Tahriibayaasha ka haajiraysa Afrika si ay Yurub u gaadhaan, ayaa dhibaatooyin baaxad leh kula kulmay jidadka Badda iyo Saxaraha Afrika inta ay ku sii jiraan, kuwaasoo isugu jira Dhimasho, Dhaawac, Garaacis, Bixinta Lacag Madax-furasho ah iyo tacaddiyo kale oo loo geysto.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment