Dhegaysiga Dacwadda loo haysto Cabdillaahi Abbokor, ayaa noqonaysa markii labaad ee Maxkamadda la hor-keeno tan iyo markii Xabsiga loo taxaabay bishii Ramadaan ka horraysay ee sannadkan, waxaanu dhagaysiga kiiskani ahaa mid xidhan oo aan loo oggolayn inay goob-joog ka noqdaan Suxufiyiinta kala duwan ee ka socday Hay’adaha Warbaahintu.

“Maalintii labaad ee Maxkamadda la horkeeno ayay ahayd maanta (shalay), Dhegaysigii horena waa la baajiyey, ka dib markii ay Aniga i xidheen, horta Maxkamad caadiya may ahayne waxay ahayd goobta dhegaysigu ka socday Maxkamaddii gobolka Maroodi-jeex,” sidaa ayuu yidhi Siyaasi Axmed Xasan Like, waxaanu intaas ku daray in dib loogu celiyey Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa oo uu muddooyinkii dambe ku xidhnaa.
Waxaanu Axmed Xasan Like sheegay, “Maxkamadda markaa waxaan idhi maalintaa markii aan arkay siday wax u socdaan iyo Derajada lala soo galay gudeheeda waxay maanta la mid tahay maalintii UFFO 1982-kii Muddaharaadku ka dhacay Hargeysa, oo tii lafteedii inaan fadhiyo ayaan mooday oo aannu fadhinay.”
Kiiska loo haysto Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa la xidhiidha hadal uu ku sheegay in Golaha Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee uu ka tirsanaan jiray ay ku jiraan Wasiirro ka tirsan Ururrada Argaggixisada sida hadalka uu u dhigay ee Al-Shabaab iyo Ururro-diimeedyo kale.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment