Fadhiga shalay ee Golaha Guurtida oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa ay mudaneyaasha Goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Xeerka Komishanka Dib-u-habaynta Shuruucda Dalka oo ay wax ka beddel ku sameeyeen Guddida Dastuurka iyo Shuruucda ee Guurtidu, ka dib markii ay u soo gudbiyeen Golaha Wakiillada oo hore u ansixiyey.Waxa fadhiga shalay lagu ansixiyey Xeerkan goob-joog ka ahaa 44 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka Mudane ee Golaha Guurtidu ka kooban yahay, waxaana xeerkan ogolaaday 41 mudane halka 2 xildhibaan ee kalena ay codkooda kaga soo horjeesteen ansixinta xeerkan, guddoomiyuhu ma codayn, sidaasina uu xeerku ku ansaxay.
Komishanka dib-u-habaynta Shuruucda Dalka ee shalay xeerka dhismahooda la meel-mariyey oo aan hore uga jirin dalka, ayaa muhiim weyn ugu fadhiyaa dhismaha hay’adaha dawladda iyo Shuruucda waddanka.
Himilomedia.com
Hargeysa, Somaliland
No comments:
Post a Comment