Waxay Saraakiishu sheegeen inay weerarrada ay diyaaradohooda Millaterigu qaadeen ku bartilmaameedsanayeen Baabuur ay leeyihiin Daacish oo marayey meel u dhaw Buuraha Sinjar ee ku yaalla Waqooyiga Ciraaq, iyagoo sidoo kalana burburiyey xarumo dagaal oo ay ISIS ku laheyd Koonfurta Galbeed ee magaalada Caasimadda u ah Ciraaq ee Baghdad.Labada hawlgal, ayaa waxa ay yihiin kuwii ugu horreeyey ee qeyb ka ah qorshihii uu soo bandhigay Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, Arbacadii aynu soo dhaafnay oo uu ku sheegay in uu ku weerarayo meel walba oo ay joogaan kooxda Khilaafada Islaamka ee Daacish.
Saraakiisha Difaaca Mareykanka, ayaa weerarkan Cirka ah ku tilmaamay mid ay ku ballaadhinayaan Masuuliyaddooda markii hore-ba aheyd in ay difaacaan Muwaaddiniinta Mareykanka ah iyo bixinta gargaar Bina-aadaminnimo.
Maraykanka oo Bishii hore bilaabay hawlgallada iyo Weerarrada ka dhanka ah Kooxda Daacish ee sida dhakhsaha ah gacanta ugu dhigay deegaanno badan oo ka tirsan waddanka Ciraaq, ayaa olole xooggan oo uu doonayo in kooxda ISIS kula dagaallamo u muuqda inuu guul hor-leh ka joogo.
Guushaas oo iftiintay ka dib markii dawladda Maraykanku ku dhawaad Afartan dal oo waddamo Carbeed ka mid yihiin ku qanciyeen inay kala qaybgalaan duullaanka iyo dagaalka uu kula jiro Daacish, kuwaasoo la filayo inay dhawaan bilaabaan dagaalka Obama sheegay inuu doonayo in lagu burburiyo Daacish oo ka dagaallanta qaybo ka mid ah dalalka Ciraaq iyo Suuriya, gaar ahaan fadhiisimada kooxda Dacishta ku leedahay dalka Ciraaq.
No comments:
Post a Comment