Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo is-gaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo ka tirsan todoba xubnood ee madaxweynuhu u xil-saaray inay baadhis ku sameeyaan tabashada reer Awdal isla markaana deegaan ahaan ka soo jeeda gobolkaas, ayaa hadlay tallaabooyinka guddi ahaan ay qaadeen iyo waxa u qabsoomay.“Immika taayadu waxay maraysaa meel fiican, waanu fadhiisanayoo jadwalkii, qorshihii iyo wixii aanu ka hadli lahaynba waa samaynaym, guddoomiyuhuna awalba waa noo magacawnaa, qaabkii shaqaduna waa noo socotaa waxaana aanu rejaynaynaa inaanu wax fiican soo saari doono,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Abgaal oo shalay xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta dalka.
Wasiirku waxa uu sheegay natiijada ka soo baxda hawsha loo igmaday inay guddi ahaan la socodsiin doonaan dadkii ay khusaysay, isla-markaana ay ku dedaali doonaan inay dhameeyaan tabashooyinka taagan.
Wasiirku waxa uu ka hadlay qaabkii ay madax-dhaqameedka Awdal u mareen isla markaana tabashada ugu gudbiyeen madaxweynaha iyo kulan ay madaxweynaha garnaqsigooda ugu gudbiyeen.
“Waxan qabaa inay reer Awdal yihiin dadkii dalkan lahaa, waliba dareemaya inay waxbadan gashadeen anna ka mid baan ahay oo sidaas baan qabaa, haddii ay wax tawdeena waa xaq oo bani’aadamka oo dhan baa wax taban kara, sidii asluubtu ahayd bayna soo mareen, madaxweynahana toos bay iskugu arkeen Borama, wayna la Balameen oo Madaxtooyada ayuu kula ballamay, Xilligii Ballantana miiska dushiisa ayey ku wada Hadleen, si wanaagsan oo gun iyo baar ahna way u wada Hadleen, madaxweynuhuna wakhti fiican buu siiyey, waxana ay halkan ka tageen iyagoo is fahamsan,” ayuu yidhi Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md Maxamed Jaamac Abgaal.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment